|
|
| |
KULMIYE oo Caddeeeyay Mawqifkiisa Siyaasadaha ku
Xeeran Somaliland
December 13, 2006
Xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE ayaa shir-jaraa’id oo
uu shalay qabtay ku soo bandhiga mowqifka xisbiga ee
qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xidhiidhka
Somaliland iyo waddamada deriska ah, dalalka Carabta,
xayiraadda xoolaha, ciidammada shisheeye ee Soomaaliya
la keenayo, saamaynta qaraarkii Golaha Ammaanku ku
yeelan karo Somaliland iyo arrimo kale.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE, Proff. Axmed
Xuseen Ciise, ayaa shirkaa-jaraa’id ka akhriyey qoraal
dheer oo uu xisbigu kaga hadlay arrimo badan, kaas oo
uu ku saxeexnaa Ku-simaha Guddoomiyaha, Md. Maxamuud
Saalax Nuur Fagadhe, isaga oo faahfaahsan waxa uu u
dhignaa sidan:
“Xisbiga Kulmiye isaga oo ka duulaya xaaladda
siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee qaranka Somaliland
iyo ifa-faalaha colaadeed ee maalmahan dambe ka soo
muuqda Gobolka iyo guud ahaanba xaaladdaha cakiran ee
Geeska Afrika, waxa uu halkan ku muujinaya siyaasadda
xisbiga iyo aragtidiisa wakhtigan xaadirka.
A- SIYAASADDA IYO ISTRAAJIYADDA ARRIMAHA DIBEDDA:
Xisbiga Kulmiye,
•Markuu arkay horumar la’an diblomaasiyedeed iyo
dhaqan-dhaqaale iyo haba yaratee wax guulo ah oo ay
xukuumadda Somaliland ka gaadhay geeddi-socodkii
aqoonsiga Qarannimo.
•Markuu arkay Siyaasadda dibedda ee Xukuumaddu in ay
tahay mid jaho wareersan oo aan mudnaan kala lahayn,
isla markaana uu ku jiro mugdi iyo madmadow.
•Markay u muuqatay in xukuumaddu ay awoodi kari weyday
in ay inoo samayso saaxiibo dhab ah, oo si mug leh wax
uga tara aqoonsiga Somaliland.
•Markuu arkay inay sii badanayaan dalalka ka sii
fooganaaya Somaliland
•Xisbiga KULMIYE, isaga oo maanka ku haya murtida
odhanaysa “ceelna uma qodna cidina uma maqna” waxa uu
go’aansaday in uu sii xoojiyo hawlihiisa la xidhiidha
aqoonsi u raadinta Somaliland, si taa loo gaadhana
Xisbiga KULMIYE waxa uu sii xoojinayaa dhaqdhaaqa
siyaasadeed ee uu la leeyahay caalamka.
Dhaqdhaqaaqiisaa Xisbigu marna farogelin ku samayn
maayo awoodda fulineed ee distoorku siinayo xukuumadda
Somaliland.
Sidaa daraadeed, Xisbiga Kulmiye wuxuu halkan ku
iclaaminayaa istraatijyadda siyaasadeed ee hoos ku
qoran.
DALALKA DARISKA AH:
Xisbiga Kulmiye wuxuu u arkaa in aanay xukuumaddu guul
la taaban karo ka keenin xidhiidhka dalalka deriska
ah. Xidhiidhka aynu la leenahay dalalka deriska ah
qaarkood uu sii xumaanaya ama kama muuqato faa’iido
wayni. Xisbiga Kumiye wuxuu u arkaa in culays la iska
saaro sidii xidhiidh wanaagsan oo laga midho-dhalin
karo loola yeelan lahaa dhammaan dalalka aynu jaarka
nahay khaas ahaan Djibouti iyo Ethiopia.
- Dalka Ethiopia waa dal ballaadhan oo miisaan ku leh
gobolkan Geeska Afrika, xuduud iyo dadba la wadaaga
Somaliland, halgankii SNM ee xorraynta Somalilandna
abaal weyn ku leh.
- Somaliland iyo Ethiopia waxa isagu jira dano
dhaqaale oo baaxad leh iyo iskaashi AMMAAN. Madaxda
Xisbiga Kulmiye iyo in badan taageerayashiisuba waxay
xidhiidh saaxibtinimo iyo wadashaqayn la leeyihiin
bulshada Ethiopia ku dhaqan, wuxuuna xisbigu goostay
in la dhiirigeliyo xidhiidhadaas sidii midho ka badan
inta yar ee maanta muuqata oo labada dal iyo dadba dan
u ah looga helo isu soo dhowaanta Somaliland iyo
Ethiopia.
- Dalka Djibouti wuxuu xisbigu u arkaa dal xidhiidh ma
guuraan ah la leh Somaliland: Xad, Bulsho, Dhaqan,
Ganacsi iyo Diinta Islaamka. Xisbiga Kulmiye wuxuu
dedaal dheeraad ah siin doonaa sidii loo xoojin lahaa
xidhiidhka siyaasadeed, dhaqameed iyo ganacsi ee
Djibouti iyo Somaliland.
- Xisbiga KULMIYE isaga oo xog-ogaal u ah halgankii
SNM waxay ogyihiin kaalinta mudnayd ee Degmada Saylac
ee xadka la leh Djibouti ay ka qaadatay halgankii
xorraynta Somaliland, waxaynay u arkaan gef qadarin
la’aanta iyo duudsiga siyaasaddeed ee xukuumadda
Somaliland kula kacday degmadaa xilligii
doorashooyinkii Golaha Wakiillada.
- Xisbigu wuxuu xil dheeraad ah iska saari doonaa
sinnaanta dhammaan bulshada Somaliland oo aan midna
midda kale laga
DALAKA CARABTA:
Ka soo-hor-jeedka dalalka Carabta ku horjoogaan
Qaranimada Somaliland waxa sal u ah dadaal la’aan
xukuumadaha Somaliland oo aan dalalka Carbeed siinin
muhumidda daqaale iyo siyaasadeed ee ay caalamka ku
leeyahyihiin.
SOOMAALIYA IYO CIIDAMMADA SHISHEEYE:
Hore Xisbigu waxa uu ku taliyey in arrimaha colaadeed
ee ka aloosan Soomaaliya taxadir laga qaato si aanay u
waxyeeleen nabadda Somaliland. Wuxuu Xisbigu halkan ku
sii adkaynayaa taloyiinkiisii taxadir ee hore.
*Wuxuu Kulmiye ka digayaa kala qaybsanaan iyo baaqyada
isdaba jooga ee ka soo baxaya ama madax-dhaqameedyo
ama kooxo culimo ah ee u muuqan kara taageero kooxo
Soomaaliya ama ku kala qaybsanaan mawqifka qarannimo.
Kala-qaybsanaanta waxa horseed ka ah hoggaan la’aanta
xukumadeed oo aan isku dayin inay ummadeeda hoggaanka
u qabato kuna hagto siyaasad salim ah oo muuqata.
*Xisbiga Kulmiye waxa uu ugu baaqayaa xukuumadda
Somaliland inay ku dhawaaqdo sida ugu dhakhsaha badan
in haba yaratee aanay xadka Somaliland u oggolaan
doonin ciidamo shisheeye oo ka qayb qaata dagaalka
dhex mari kara kooxaha ku dagaalansan Soomaaliya.
Maadaama aanay Qaramada Midoobay iyo IGAD midna u kala
qaybsanayn Soomaaliya iyo Somaliland go’aamadda ay
gaadhaan kama baxsana Somaliland. Sidaa daraadeed,
xisbi ahaan waxaannu annagu ka soo horjeedna wax wal
oo suurtogelin kara inay Somaliland ku milanto
dhibaatada iyo colaadda ka taagan Soomaaliya.
*Gaar ahaan, Xisbiga Kulmiye waxa uu qabaa in aanay
wax faa’iido ah soo kordhinayn ciidamo shiseeyo oo la
keeno Soomaaliya. Waxayna ugu baaqayaan kooxaha
Soomaaliya isku haysta inay walaaltinimo iyo wadahadal
ku dhammaystaan gartooda.
*Kulmiye wuxuu ku baaqayaa xoojinta xoogga ciidanka
Somaliland.
*Xisbiga Kulmiye waxa uu uga digayaa kooxaha
Soomaaliya dhammaantood isku day colaadeed ama
siyaasadeed oo ay kula kacaan Somaliland.
Xisbigu isaga oo og xidhiidka qarniyada jiray ee dadka
reer Somaliland iyo dalaka Carabta iyo aqoonta reer
Somaliland u leeyihiin dhammaan dalalka Carabta wuxuu
ku dhaqaaqi doonaa tallaabooyin isdaba jooga iyo
wufuud joogta ah oo ka shaqeeya sidii loo beddeli
lahaa siyaasadda diidmo (Negative) ee ka muuqata
dhammaan dalalka Gacanka Carbeed.
•XOOLAHA:
Xisbiga KULMIYE markuu arkay natiijo la’aanta
furitaanka iibka xoolaha nool ee Somaliland, xil gaar
ah wuxuu iska saari doonaa u ololaynta ka-qaadista
xayiraadda ganacsiga Xoolaha.
Xisbiga Kulmiye si uu u hirgeliyo siyaasadda kor ku
xusan wuxuu dhowaan ku dhawaaqi doonaa guddi
ballaadhan oo isugu jirta xildhibaano, aqoonyahanno,
madaxda firfircoon ee jaaliyadaha Somaliland ee
qurbaha oo sida ugu dhakhsaha badan u hawlgeli doona.
B- ARRIMAHA GUDAHA: DARYEELKA BULSHO IYO HORUMARINTA
DHAQAALE:
Waxaan muran ka jirin in xukuumadda Somaliland ku
guuldarraysatay kobcinta dhaqaale ee qaranka
Somaliland oo aanay u suurtogelin bulshada Somaliland
in ay helaan shaqo, tacliin iyo daryeel caafimaad oo
ku filan. Waxyaabaha la wada ogsoon yahay ee dib u
dhigay horumarka Somaliland waxa ka mid ah:
*Musuqmaasuq iyo maamul-xumo xad-dhaaf ah.
*Ku-dhaqan la’aanta distoorka qaranka u yaal
*Daryeel iyo taageero aan siin ilaha dhaqaale ee
muhiimka ah, sida dekedaha, garoomada diyaaradaha,
waddooyink, baananka ganacsiga iyo dhiirigelinta
ganacisga Somaliland oo ah lafdhabarta horumarka
Somaliland (creating an enabling environment).
Arrimaha kor ku qoran Xisbiga Kulmiye awood distoori
ah iyo maamul midna uma leh inuu si toos ah wax uga
qabto. Hase yeeshee, waxa uu soo jeedinayaa,
dhiirigelinayaa, intii awooddiisana ka hawlgalayaa:
*Xakamaynta iyo tirtirka musuqmaasaqa, isaga oo ku
dedaali doona in xukuumadda iyo golayaasha sharciguba
ay ka duullaan ilaaliyaanna ku dhaqanka distoorka iyo
mabaadii’da MAAMULKA WANAAGSAN.
*Dib-u-dhiska daryeelka bulsho, khaas ahaan
waddooyinka iyo garoomadda diyaaradaha. Ahmiyad
deg-deg ah waa in la siiyaa wadada isku xidha Gobolka
Sanaag iyo Somaliland inteeda kale. Iyana muhim gaar
ah waxa leh waddada xidhiidhisa degmada Saylac iyo
gobollada kale.
*Tacliinta iyo shaqo u abuurka dhallinyarada oo ah
mustaqbalka Somaliland oo la xoojiyo.
*Dekedda Berbera oo noqota suuq xor ah oo xidhiidh
dekedda la yeelato adduunka. Dekedda Berbera oo aanu
aaminsan nahay inay tahay ta ugu mustaqbalka fiican
dekedaha Geeska Afrika.
*In laga qaado dhammaan ishortaagga ganacsiga bulshada
Somaliland sida diidmada samaynta Baanan Gaar ah oo
ganacsi (Private Commercial Banks).
*In la dhiirigeliyo taageerana la siiyo samaynta
warshadaha wax-soo-saarka.
*nay xukuumaddu iska ilowdo kana fogaato mashaariicda
DILAALKA ee riyada ah ee wakhti lagaga luminayo
ummadda Somaliland, sida ballanqaadayada aan waxba ka
jirin ee dilaaliin ajnedbi ah oo bilaa taariikh oo
marar badan loo soo horkacayo. Mashaariicda dilaal
waxa keliya ee lagu rabaana ay tahay iibsasho hawl
yaraan khayraadka Somaliland. Xisbiga Kulmiye waxa uu
ku ballanqaadayaa inuu ka dhigi doono dembi lama
ilowaan ah haddii handtida iyo khyaraadka Somaliland
gacanta u gasho dilaaliin ajnebi ah si aan sharciga
ahayn oo aan distoorka waafaqsanayn.
*Wuxuu xisbigu ku dhiirinayaa gacan siin doonaa
iskaa-wax-u-qabso ay ku dhaqaaqaan dadweynaha
Somaliland si loo buuxiyo kaalinta maqan ee
xukuumadeed.”
Source: Jamhuuriya
******
Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact
[Webmaster].
Last updated: 11/12/06.