 |
| (wasiirka xanaanada xoolaha
somaliland Dr, Idiris Ibraahim Cabdi ) |
Wasiirka wasaarada Xanaanada Xoolaha jamhuuriyada
Somaliland Md, Idiris Ibraahim Cabdi ayaa shirjaraa’iid oo uu maanta
ku qabtay xafiiskiisa ku sheegay inay kala noqdeen ruqsadii uu xoolaha
ku qaadanayey ganacsadee u dhashay dalka Sucuudiga.
Ganacsadaha oo lagu magacaabo Al-jabiri oo kula heshiiyey xukuumada
Somaliand inuu xoolaha si toosa u geeyo magaalada jidah, balse ay
ogaadeen laba markab oo siday in ka badan 40,000 oo neef ku sii
dejiyey dekeda jabuuti.
Wasiirka xanaanada Xolaha waxa kale oo uu ku sheegay shirkiisa
jaraa’iid inay siyaasada xukuumadu tahay in xoolaha Somaliland laga
dhoofiyo dekeda Berbera o aan la marin karin dal kale, Jabuuti oo aynu
deris nahay aan lagu hakin karin.
Dr, Idiris Ibraahim Cabdi waxa uu tilmaamay in bishii October 2006 la
go’aamiyey in dekeda Berbera Mooye inaan deked kale laga dhoofinayn
Xoolaha Somaliland, Waxa uu wasiirku sheegay in dhamaanba dekedaha ku
yaala mandaqada sida jabuuti, Boosaaso, Asmara aanay wax cadaawad ahi
ka dhaxeyn balse ay dekeda Berberi tartan kula jirto kuwa geeska
Afrika.
Dr, Idiris Ibraahim Cabdi Mar uu ka hadlayey heshiiskii ay galeen
ganacsadaha Sucuudiga ee Al-jabiri ayaa waxa uu ku sheegay in xubno ka
mid ganacsatadeenu ay cabasho ka soo gaadhay iyagoo xusay inay la soo
xidhiidheen qaar ka mida ganacsatada Sucudiga oo ay ku yidhaahdeen
xoolaha Somaliland deked kale soo mariya, taasi oo ay iyana ka shireen
Maaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md, Daahir Rayaale Kaahin,
Hay’adaha Dawlada iyo Ganacsataduba laguna go’aamiyey in xoolaha
Jamhuuriyada Somailand laga dhoofiyo dekeda Magaalada Berbera.
Waxa kale oo uu wasiirku sheegay ganacsadahan la yidhaahdo Al-jabiri
uu ogalaaday oo uu qiray inuu dalka somaliland ka rabo 500,000 oo neef
si toosana uga dejindoona magaalada jidah ee Sucuudi Arabiya, wuxuuna
intaasi ku daray inuu qaatay laba markab oo siday 42,000 oo neef ,
kadibna la ogaaday in xoolaha lagu dejiyey dekeda jabuuti isla
markaana ay xayirtay xukuumada Somaliland Markab kale oo loo rarayey
oo qaadi lahaa 120,000 oo neef.
Dr, Waxa uu ganacsatada Reer Somaliland ugu baaqay inay ka
feejignaadaan waxkasta oo lagu wiiqayo dhaqaalaha qaranka iyo dekeda
Berbera.
Ganacsadahan dhalashadiisu ka soo jeedo dalka Boqortooyada Sucuudiga
Al-jabiri ayaa ka guuleystay qandaraas ay bixiyeen Bangiga Hormarinta
Islaamka, kaasi oo loogu talo galay xoola dhan 600,000 oo neef in la
geeyo sanadkan xajka.
Source: Hadhwanaag
|