| Xoolo ka Dhoofay Berbera oo loo Leexiyay
DjiboutiDecember 13, 2006
Markab kuwa xoolaha qaada ah oo shixnad adhi ah ka qaaday
Dekedda Berbera ayaa la sheegay in lagu rogay Dekedda dalka
Jamhuuriyadda Jabuuti.
Markabkan oo u rarnaa ganacsato Soomaali iyo Carab ah ayaa
toddobaadkii hore Dekedda Berbera ka qaaday shixnad 8000 neef oo
adhi ah, ayaa la sheegay in lagaga rogay Dekedda magaalada Jabuuti.
Warar xogogaal ah oo ku dhowdhow maamulka Dekedda Berbera ayaa
sheegay in xoolahaasi dekedda kaga baxeen in loo dhoofinayo
magaalada Jeddah ee dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya, balse aan
la geyn halkaas ee
lagu
rogay Jabuuti.
Markab labaad oo dekedda Berbera shixnad 3500 neef oo adhi ah ka
qaaday Sabtidii toddobaadkan, ayaa isagana lagu wadaa in lagu rogo
Jabuuti oo uu hadda taagan yahay duleedka dekedda Jabuuti.
Haddaba, iyada oo lagu jiro xilligii moosinka gudashada waajibaadka
Xajka oo tan iyo markii dawladda Sucuudigu xayirtay xoolaha
Soomaalida sannadkii 1991-kii aanay jirin xoolo si toos ah u galay
dekedaha Sucuudiga, haddana waxa xoolaha Somaliland loo diraa
dalalka Yemen iyo Imaaraadka Carabta.
Ilaa
hadda ma jiraan warar rasmi ah oo ay xukuumadda Somaliland ka soo
saartay mowqifka ay ka qabto in xoolaha ka dhoofa Dekedda Berbera la
sii mariyo Jabuuti. Warku waxa uu intaa ku daray in ay hadda Berbera
ku sugan yihiin xoolo kale oo sugaya in loo qaado dhinaca Jabuuti.
Dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa sannadahan u dambeeyey ku
hawlanayd sidii dekedeedu u noqon lahayd marinka xoolaha ee Geeska
Afrika, iyada oo hore uga dhistay xeryo lagu baadho caafimaadka,
laguna nasiyo.
Source:
Jamhuuriya
|