|
|
| |
Maxkamadda Hargeysa oo
Xukunno Culculus ku Ridday Eedaysaneyaal ay ku Heshay Falal Argagixiso
December
10, 2006
Hargeysa (Jam)- Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa shalay
xukunno calculus oo ah xadhig u dhexeeya 20-25 sannadood ku ridday 11 maxbuus oo
ay sheegay in lagu helay falal argagixiso iyo dembiyo lagu wiiqayo jiritaanka
Somaliland.
Garsooraha dacwadda qaadayey Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, oo go’aanka maxkamaddu
ka gaadhay kiiska ku furto), ayaa shalay lagu xukumay 25 sannadood oo xadhig ah.
Ammaanka maxkamadda oo shalay ahaa mid si weyn loo adkeeyey ayey ka qaybqaateen
ciidamo tiro badan oo wata gaadiid tikniko ah, iyada oo isla markaana baadhis
xoog leh lagu samaynayey dadka ka qaybgelaya dhegaysiga dacwadda oo ahayd mid
furan, sidaa daraadeedna loo oggolaaday tiro dadweyne oo kooban, qaar ka mid ah
ehalada maxaabiista iyo suxufiyiinta.
Guud ahaan dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka ayaa aad loo xaddiday, mana jirin
wax dacwado ah oo ka socday maxkamadda shalay.
Abbaaro 8:30 subaxnimo ayey dadweynuhu ku xeroodeen hoolka maxkamadda ee
dacwadda lagu qaadayey. Maxaabiista dacwadda lagu qaadayey oo dhammaantood
lebbisnaa dhar isku mid ah, marka laga reebo hal nin oo xidhnaa Khamiis dheer oo
midabkiisu yahay bunni, oo ay go’yaal cadcad ka dul huwanaayeen iyo koofiyado
nooca muslimku qaato oo leh layman madmadow oo caddaan u dhexeeyo, kuwaas oo
laba-laba isugu xidh-xidhan ayuu garsoorihii maxkamaddu kiiskoodii bilaabay
10:26 daqiiqo, isaga oo akhriyey marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay
dacwaddu.
Garsoore Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, waxa uu sheegay in la qabqabtay 21-kii
September 2005, isla markaana qaadista dacwadoodu socotay muddo toddoba bilood
ah oo ka bilaabmaysay 23 May 2006 ilaa 9 November 2006, “Iyada oo,” ayuu yidhi;
“ay maxkamaddu yeelatay 22 fadhi, halka afar fadhi oo kalena ay qabsoomi
waayeenb, kiiska loo haystaana uu yahay eedaymo dhowr ah oo ay ka mid yihiin
falal argagixiso oo ay Somaliland ka wadeen laga soo bilaabo 5 April 2005, iyaga
oo intaa ku daray in ay dalka ka fuliyaan falal khalkhal-gelin ah oo lagu
wiiqayo jiritaanka qarannimada Somaliland.”
“Waxa kale oo maxkamadda la horkeenay marag-muujinno isugu jira 8 xabbo oo ah
miinada nooca lidka gaadiidka waaweyn (Anti Tangs), hub isugu jira qoryo iyo
bastoolado iyo budooyin kiimiko ah oo marka la isku daro qaraxyo waaweyn
samaynaya.Waxa kale oo la sheegay in ay kulamo iyo shirar kala duwan ku yeesheen
magaalooyinka Boorama, Hargeysa iyo Burco, isla markaana ay hawshii qabashadoodu
keentay dagaal weyni in uu ka dhaco, kaas oo dhaawacyo culculusi ka soo gaadhay
qaar ka mid ah ciidammada ammaanka.
Hase yeeshee, dhammaantood way beeniyeen eedaymahaas, waxayna maxkamadda
horteeda ka sheegeen in aanay wax dembi ah gelin.
Intaa kadib ayey Xeer-ilaalintu maxkamadda horkeentay 10 cajaladood oo nooca
fiidyowga ah, oo ay ku duuban yihiin muuqaalka jihaadka oo lagu sameeyey
waddamada Bosnia, Afghanistan iyo Jeejniya. Waxa kale oo maxkamadda la keenay 21
markhaati iyo qoraallo ay bixiyeen iyaga oo dhaarsan markii ay is-difaacayeen.
Kiiska Sh. Maxamed Sh. Ismaaciil ayaa la sheegay in aanay waxba kaga jirin
jidh-dil la sheegay in lagu sameeyey iyo in muuqaalka laga duubay ahaa sawir
lagu sameeyey mobile-ka.Maxkamaddu waxa kale oo ay xorriyadoodii u celisay laba
dawcweysane oo iyaga ku eedaysnaa in ay ka qaybqaateen abaabullo falal
waxyeellooyin loogu geysanayo Somaliland, hase yeeshee aan wax caddaymo ah la
horkeenin maxmakadda. Sidaa darteedna, waxay maxkamaddu kala noqotay eedihii
lagu soo oogay labadaa nin oo kala ah Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo Caydhow.
Haddaba, markii la soo gebagebeeyey dacadda ayaa garsoore Cabdiraxmaan Jaamac
Hayaan ku dhawaaqay go’aannadii ka soo baxay maxkamadda, isaga oo sheegay in uu
adeegsaday qodobadda 222 ee Xeerka Ciqaabta Guud, sidaa darteedna uu midkiiba 25
sannadood oo xadhig ah ku xukumay dembiileyaasha kala ah:
1-Cabdiraxmaan Cismaan Yuusuf
2-Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Indhacadde)
3-Axmed Cabdi Godane
4-Ibraahim Jaamac Meecaad (Ibraahim Afgaani)
5-Ibraahim-dheere
6-Sahal Axmed Caydiid
7-Iyo Axmed Cali Xuseen (Axmed-keyse).
Sida oo kale, xubnaha lagu xukumay 20 sannadood ee xadhigga ah waxay kala yihiin:
1-Maxamed Sh. Ismaaciil Xuseen
2-Maxamed Ibraahim Axmed (Laba-qumac)
3-Cabdillaahi Maxamed Axmed (Cabdillaahi-gaab)
4-Iyo Muuse Cali Yuusuf.
Markii uu dhammaaday xukunkii maxaabiistu ayey bilaabeen ereyo ay kor ugu
dhawaaqayeen, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen; ‘ALLAAHU AKBAR, Itoobiya oo cadow
ahayd waa laga guulaystay, shareecaddu ta sarraysa ayey noqonaysaa.”
Garsooraha maxkamadda oo ay weheliyaan laba wakiil dadweynaha ka socday oo
dhinacyada ka fadhiyey intii kiisku socday ayaa si deg-deg ah looga saaray
hoolkii dacwaddu ka socotay. Ehelada maxaabiista ayaa waxoogaa buuq ah ka
sameeyey maxkamadda horteeda oo markaa laga qaadayey maxkamadda, kadibna waxa
xabbado rasaas ah kor u riday ciidanka ammaanka, si ay u kala dareeriyaan dadka
ku soo ururay goobta. Qareennada u doodayey maxaabiistu waxay kala ahaayeen
Maxamed Siciid Xirsi iyo Maxamed Cali Cabdi (Carab) iyo Marxuum Rooble Maykal oo
geeriyooday intii dacwaddu socotay.
Source: Jamhuuriya Online
******
Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact
[Webmaster].
Last updated: 11/12/06.