Sheekh Makaawi oo la
siidaayay
(SOHTA-Hargeysa) December 11, 2006
Sheekh
Cabdilaahi Makaawi ayaa maanta xabsiga dhexe ee Hargeysa laga sii daayay,
kadib
markii jimcihii laga bilaabo halkaaso lagu hayay, baqo laga baqay shaqaaqo
kadhalatay, khudbadii jimcaha uu jeediyey in dad ka gadooday ay wax yeelo
ugeystaan.Sheekha qaybtii qudbada ee af soomaaliga ahayd ayaa laga dareemay
in uu xagga maxkamadaha koonfureed u xaglinayo. Waraysi uu sheekhu maanta
bixiyey, wuxuu ku celceliyay
in uu hadalkiisu ku koobnaa walaalnimada muslimiinta
isku xidhaysa oo aanu
soo qaadin koonfur iyo maxkamadaha midna. Waraysigaa
waxa kasoo baxay in
sheekha iyo sheekhyo kalaba looga digay wax nabada khalkhaliya
in ay ku
kacaan. Digniintaa sheekhu wuxuu u qaatay waano waxaana intaa raaciyay
hadal macnihiisu yahay waa wajibka culimadu in ay nabada iyo xasiloonaanta
ilaaliyaan.
Waxaa xus muddan koox culumo ubadani todabaadkii hore ay ku dhawaaqeen in
kaalma loo guro walaalaheena Koonfur fatahaada ku dhibaateysan dad badan
ayaa u arkay tageero dadban ama toosba ah dadka sidaa qabaa waxay ku
doodayaan Saylac daadad ayaa go'daamiyey Hargeysa iyo Burcona roobabkii
waxyeeleeyay culumadani midna umey gurman inkastooy waxyeeladdo kala
weyntahay waxay intaa raacinayaan waxba kama qabno indadkaa koonfur biyuhu
wax yeeleeyeen
waayo waana soomaali waana muslim waxay intaa ku darayaan
kuwa goday oo Ethopia ah iyo kuwa waqooyi bari, Kenya fatahaadu haleeshay iyaguna
miyaanay muslmiin soomaali ah ahaahayn waxay dooodooda kusoo xirayaan
wixii kaalmo la helo sadexda qaybood ha laga simo maamulada meelahaa ka
dhisana yaan loo dhiibin ee haloo dhiibo hay'adda la dhaho World Food
Program(W.F.P)
******
Home | News | Literature | Opinions | Photo Gallery | Contact Information |
Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact
[Webmaster].
Last updated: 11/12/06.