Somaliland Horta Website

NEWS


Sheekh Makaawi Oo Dabin ku Galay Ka Hadalkii Caawinta Koonfurta Somaliya! Weerarakii Dadweynaha ! Miciinkii Booliska iyo Hadalhayntii Shacbiga
December 8, 2006

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Col, Maxamed Saqadhi Dubad oo caawa war-baahinta u waramayey ayaa sheegay in masaajid la yidhaahdo Al-Furqaan oo ku yaala xaafada Xera-Awr ee magaalada Hargeysa in salaadii jimcaha kadib uu halkaasi buuq ka dhacay, kadib markii uu halkaasi uu khudbadii salaada jimcaha ee uu halkaasi ka jeediyey Sheekhu uu ku sheegay in la caawiyo dadka soomaaliya ee ay dhibataada u geysteen daadadka iyo fatahaada webiyada Koonfura Soomaaliya.

Sheekhan oo Magaciisa la yidhaahdo Sheekh C/laahi Makaawi oo khudbadiisa ku sheegay inay waajib tahay in la caawiyo dadka soomaaliyeed ee muslimiinta ee daadadka iyo fatahaada webiyadu dhibaatada u geysteen ee gargaarka u baahan.

Mid ka mida dadkii masaajidkaasi salaada jimcaha ku tukanayey oo ay shabakada hadhwanaag goobtaasi kula kulantay ayaa oo ka waramayey sida ay wax u dhaceen ayaa waxa uu yidhi “ Sheekhu waxa uu khudbadii salaada Jimcaha sida caadada ahayd la akhriyi jiray uu ku akhriyey Af carabi, kadibna waxa uu si degdega uu ugu bedelay Luuqada Afka Soomaaliga waxaanu yidhi Sheekh Makaawi “ Dadbaa wax aan u uruurino dadka muslimiinta ah ee dhibaatada ka soo gaadhay fatahaada Webiyada Iyo daadadka ee Koonfurta Soomaaliya nagu haysta oo magaaladii aanu ka dhex mari la’anahayoo ciyaalkii ayaa na hayasta, oo inaguba waynagii is dilnay ayaa markuu halkaasi hadalka marinayo sheekhu ayuu mid ka mida dadkii ku tukanayey masaajidku kacay oo uu ku qeyliyey, halkaas oo uu buuq ka dhashay, kadibna sheikh ka mid ahaa dadkii masaajidkaasi ku tukanayey ayaa kacay oo mikirifoonkii sheekhu gacanta ku hayey ka dhuftay masaajidkii buuq ayaa ka dhashay oo salaadii jimcaha dirqi ayaa lagu tukaday”Ayuu yidhi Goobjoogahaasi

Dadweynahan Masaajidkan ku tukaunayay ayaa isku xeeray dhismihii Masaajidka ka dib markuu Sheekhu jeediyay khudbadaa ay ka cadhoodeen. Ee salaada laga baxay waxaana halkaasi isugu yimi dadweyne aad u tiro badan oo isugu jiray dadkii ku noola xaafadaasi iyo dadkii ku tukanayey masaajidkaasi oo doonayey inay gacanta saaraan sheekhaasi oo sadex sacadood ayuu sheekhu ku xanibnaa masaajidka ilaa laga gaadhay salaadi casarna masaajidka laguma tukan oo uu xidhnaa

Taliyaha Ciidanka Maxamed Saqadhi Dubad ayaa intaasi raaciyey inay sheikh Makaawi ay u taxaabeen xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa iyagoo ku sugaayaa nabadgelyadiisa.

Dhinaca kale Masaajidada Magaalada Hargeysa qaar ka mid ah ayaa laga bilaabay Salaasadii Jimcaha ee maan lagaga hadlay qaadhaan wax loogu ururinayo dadka ku baro kacay caawimo Fatahaadaha Wabiyada Soomaaliya, hase yeeshee lama sheegin dhibaato ka dhacday urruinta qaadhaankaa loo doonayo dadkaa baro kacay.

Qaar ka mid ah wadaadada ku nool magaalada Hargeysa ayaa dhawaan kaga dhawaaqay kulan lagu qabtay huteelka Hadhwanaag in la caawiyo dadka ku baro kacay fatahaadaha wabiyada Soomaaliya, taasi oo dad badani u arkeen in tabaalada ka jirta Soomaaliya ay ka horeyso ta Somaliland gudaheeda taalaa in wax laga qabto, kuwaasi oo tusaale u soo qaadanaya khsaarihii Roobabku u gaysteen Somaliland ee ay ugu dambaysay Saylac oo Roobabku go’doomiyeen.

Arrintaa ka sakow dadka ku nool magaalada Hargeysa ayaa wixii ka danbeeyey maalintii ay soo shaac baxday arrintaa caawimaduu ay ku naqdiyey inay baahida Somaliland ka horeyso baahida Koonfura Soomaaliya, iyagoo isla markaa ku tilmaamay mid ay siyaasad ku jiro oo lagu taageerayo maxaakiimta Muqdhisho.

 

***Taliyaha Ciidanka bileyska ayaa ku dhawaaqay in sheekhaa xabsigga dhexe ee Hargeysa loo taxaabay nabadgelyadiisa    awgeed."
 

Source: Hadhwanaag
 

 

******

Home | News | Literature | Opinions | Photo Gallery | Contact Information | 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].
Last updated: 11/12/06.