|
|
| |
Dagaaladdii Iyo Wixii Ka
Dhashay
December 28, 2006
(SOHTA) Ciidamaddii Ku- Meel-Gaadhka (KMG) Iyo Itoobiya Waxay Kulaalayaan
Muqdisho
iyaga oo Dayniile xero kadhigtay, Geedina ku suganyahay immika oo aanu warkan
garaacayno Magaaladda Afgooye. Madaxdii Maxkamaduhu Xamar wey ka baxeen iyadoo
la
leeyahay jidka Kismaayo ayey cagta saareen. Wararku intaa waxay ku darayaan
intaanay
bixin in ay hubkii u qaybiyeen qabaa'ilka degan Xamar; taasoo walaac ka abuurtay
xagga nabadgelyadda guud ee magaaladda, gaar ahaan saaka markii boob iyo
bililiqo
ka dhaceen magaaladda sadex qofna halkaa lagu dilay .Magaaladii caadigeedii ayay
kadib kusoo noqotay iyadoo dadku ay u dhego taagayaan waxa Ku-Meel Gaadhka ka
soo
yeedhi doona, iyadoo ku dhawaaqday in ay dalka gelisay sadex bilood oo xaalad
degdega ah . Meles Zenawinna wuxuu ku dhawaaqay in ay ka daba tegi doonaan
Maxkamadaha xagga Kismaayo u baxsadday iyagoo kala dagaalami doona in ay
dib is ku abaabulaan oo ay nabadda dalka khalkhaliyaan.
Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa inkasta oo wakiilkeeda Somaliya in xabada
la joojiyo oo wada hadaladii labadda dhinac dib loo soo nooleeyo; Qatar oo
Carabta ka matisha Golaha Golaha Amaanka waxay soo jeedisay in ciidammada
Itoobiya ka baxaan; waxase soo jeedintaa gaashaanka ku dhuftay Mareykanka
iyo Ingiriiska. Tiraba laba goor ayuu Golaha Amaanku arrintaa ku kala kacay.
Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact
[Webmaster].
Last updated: 11/12/06.