NEWS


Dagaaladdii Halkay Marayaan?
December 26, 2006

(SOHTA) Wararka ugu dambeeyay waxay sheegayaan in Buula Burde iyo Diinsoorba
ay ka baxeen Gacanta Maxkamadaha oo lagala wareegay. Bartamaha Somaliyana,
Bandiiradley oo shalay Maxaakiimta lagala wareegay, waxa maantana la sheegayaa in
Gelinsoor, Cadaado iyo Dhuuso Mareeb lagala wareegay. Guddoomiyaha Golaha Fulinta
ee Maxkamaduhu wuxuu sheegay meelahay ka baxeen in ay katahay "Dib-u-gurasho
xeel dagaal" iyo istaraajtijiyad iyo tabo cusub oo ay bilaabayaan.

Meles Zenaawi, Madaxa Wasiirada Itoobiya wuxuu sheegay in ay hawl qabadkii ay ku
jiraan jecel yihiin in ay todobaad ku dhameeyaan, wuxuu intaa ku daray in
dhimashada Maxakiimtu 1000 gaadheyso isagoon sheegin ciidamadda gaashaanbuurta
(Baydhaba iyo Ethiopia ) wax ka dhintay. Ilaa imika lamahayo tiro sugan oo labada dhinacba
sheegaysa dhaawacooda iyo dhimashadooda. Wuxuu sheegay isla markaa Zenawi in ay
hayaan Maxaabiis Eraterian ah iyo kuwo bassaboor Ingiriisa sita oo u dagaalamayey
Maxkamadaha.

Jaamacadda Carabtu waxay ku dhawaaqday in xabadda la joojiyo, iyadoo la
hirgalinayo qaraarkii Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa Lumber 1725 ee
qodobaddiisa uu ka mid ahaa ciidamadda Somaliya loo dirayo in aanay ka mid noqon
ciidamadda dalalka safka hore, isla markaana Jaamacaddu waxay soo jeedisay in
shuruud la'aan degdeg wado hadalo isugu yimaadaan dhinacyada is hayaa. Wakiilka
J.Q. kadhaxaysa ee Soomaaliya isna wuxuu soo jeediyey in xabadda la joojiyo oo
lawada hadlo. Golaha Amaankuna berituu kashirayaa arrinta Soomaliya iyo sidii
dagaaladaa loo soo afjeri lahaa xaaladanna tu caadiya looga dhigi lahaa.


 


******

Home | News | Literature | Opinions | Photo Gallery | Contact Information | 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].
Last updated: 11/12/06.