|
|
| |
Dagaaladdii Soomaaliya
Ka Socday oo Kulaalaaday
December 24, 2006
(SOHTA) - Dagaaladdii ka bilaabmay todobaadkii hore Idaale iyo Moode Moode oo ah
duleedka Daynuunaay khasaare laxaad leh ayaa labadda dhinacba soo gaadhay iyadoo
dhinac waliba guusha sheeganayo. Dagaaladaasi waxay ka qarxeen oo kale aagga
Baladweyne iyo aagga Baniiradleey. Intii December 24keedii ka horeysay dagaalku
dhulkuu ahaa laakiin laga bilaabo 24kii December dagaalkii cirkaa looga xero
dhigay markii ay dayuuradaha Ethiopia bishan ay garaaceen Baladweyne iyo
Bandiiradley, maalintii xigteyna ay garaaceen madaarkii Muqdisho iyo kii
Ballidoogley. Isla markaa ayuu Madaxa Wasiiradda Ethiopia Mles Zennawi isagoo ka
hadlay TV-ga si rasmi ah ugu dhawaaqay in Ethiopia dagaal kula jirto Maxaakiimta.
Wasiirkiisa Warfaafintuna isagoo arrintaa sii faah faahinaya wuxuu sheegay in
Ethiopia dagaal rogaal celina ku qaaday Maxaakiimta. Waa markii ugu horeysey ee
ay Ethiopia sheegto in ay dagaal kula jirto Maxaakiimta. Isaggoo,Madaxa
Wasiirada Ethiopia, soohdimeynaya ujeedada ka qaybgalka dagaalka wuxuu yidhi
haddal macnihiisu yahay nabadgelyada Ethiopia ayaanu sugeynaa; taasoo
taageeradda TFG-eeda, xukuumadda sharciga ah, ay u sii marayaan. Intaa wuxuu
raaciyay in ay hawshaa sida ugu degdeg badan markey u dhameeyaan ay ciidamadoodu
Somaliya kasoo bixi doonaan, ujeedadeeeduna aanay ahayn in ay Somaliya dal ka
haystaan. Wararkii ugu dambeeyayna waxay sheegayaan in Bandiiradley iyo
Baladweynaba Maxaakiimta laga qabsaday. Madaxdii Maxaakiimtu shirarkii
jaraa'idka ee ay Muqdisho ku qabteen ee isdaba jooga ahaa waxay ku sheegeen in
ay aagaga dagaalku ka socdo dhammaan ku guuleysteen.Waxay intaa raacinayaan in
ujeedada Ethiopia tahay in ay Soomaaliya qabsato oo ay gumeysato. Banaanbaxyo
Maxaakiimta lagu taageerayo ayaa Muqdisho ka dhacay, is abaabul xooganina wuu ka
socdaa kaa soo ciidamadda Maxaakiimta la xoojinayo.
*Somaliland horta "Somalia" had iyo jeer waxay ula jeedaa
qaybtii Talyaanigu xukumi jirey. Somalilandhorta Akhristayaasheedu
taa ha ogaadaan.
Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact
[Webmaster].
Last updated: 11/12/06.