Qoraal kasta magaciisa ama cinwaankiisa ayaa tilmaama ku-jireenkiisa (it’s
content’s) Website-kan sida magiciisa ka muuqata, waa mid wax kastaba ka
hormarinaya danaha guud Ee Somaliland. Maskax furan Oo caafimaad qabta ayuu ku
eegayaa, faallaynayaa ama kaga warramayaa kuna falanqaynayaa wixii Somaliland la xidhiidha. Intuu madax-bannaan-karo Website ayuu madax-bannaan yahay. Waxaanu
dabooli doonaa (cover) siyaasadda (politics) dhaqaalaha adeegyada bulshadda,
suugaanta, taariikhda i.w.m. Waa Website aannu filayno inay ku kulmaan akhriskiisa iyo adeegsigiisaba
qaybaha bulshada ee kala duwan. Dhalliil iyo taageeroba wuu gudbin karaa waxaase
ka reebban weerar qofaysan (personal attack).
Waxaa xus mudan in uu Website-kani si gaar ah u danayn doono, geed dheer iyo
geed gaabanba isugu taagi doono siddii loo hanan lahaa aqoonsiga Somaliland;
arrintaas oo ah mid ay reer Somaliland ka mideysanyihiin. U halganka aqoonsiga
Somaliland ma aha xil ku gooni ah xukuumadda kolba xilka haysa. Goloyaasha
Saddexda ah, Xisbiyada, Ururrada Bulshada, Hay'adaha Madaniga ah, Indheer
garatada, Qurba-joogga dhammaan, muwaaddin kasta oo reer Somaliland ah iyo in badan
oo aan Somalilander aan ahayn jecelse aqoonsiga Somaliland una halganta af iyo
addinba ayaa xilkaa wadaagta. Allah hayna garansiiyo.
Website-kani qoraallada u doodaya aqoonsiga Somaliland ama u jawaabaya kuwa
ka soo horjeeda aqoonsiga Somaliland si hagar la’aan ah ayuu usoo dhoweynayaa una
baahin doonaa. Website-kani wuxu si gaar ah u baraarujinayaa qurba joogga reer
Somaliland, isla markaana dareensiinayaa awoodda ay u leeyihiin u hawlgalka
aqoonsiga dalkooda, haddey si cilmiyeysan isu abaabulaan oo ay isu habeeyaan.
Website-kani wuxuu si gaar ah isagu hawli doonaa siyaasaddeena dibada la
socodkeeda, ka talo-bixinteeda iyo guud ahaanba sidii aynu Soomaaliland
adduunyada uga iibin lahayn. Arintaa wixii la xidhiidha ee qoraallo ah ama ka talo
bixin iyo faallo dadaal gaar ah ayuu ka gali doonaa. Qoraaga reer Somalilandna
wuxuu ku dhiirrinayaa inay si hagar la'aan ah oo hufan arrintaa wax uga qoraan
iyagoo Xukuumadda, Golayasha Xeer Dejinta iyo Xisbiyadaba wixii ay u iftiimin
karayaan u iftiimiya.
Website-kani waxa ka reeban baahinta iyo gudbinta baaqyada reeraysan, iyadoo
ujeeddadu ay tahay in aynu gaadhnay xilligii dareemadeenna siyaasiga ah aynu qof
ahaan iyo koox ahaanba ku gubdin lahayn magac Xisbi, Urur Bulsho, Gobol, Degmo,
Magaalo ama Tuulo.
Website-kani isagoo ka codsanaya qoraaga reer Somaliland wuxu qayb ka qaadan
doonaa baahinta aqoon siyaasadeed oo cilmiyaysan. Wuxu isku dayi doonaa isagoo
haddana adeegsanaya qoraaga reer Somaliland in wax laga qoro xisbinimada,
qiimahay leedahay, iyo adkaynta dareenka xisbinnimo oo ah sida runtu tahay
asaaska dimoqraadiyada. Wuxu isku dayi doonaa dimoqraaddiyadaynta xisbiyada qudhooda
ilaa aynu ka arkayno laanta Xisbiga ee Tuulada, Degmada, Gobolka iyo Xafiisyada
heerka qaran ee xisbiyada oo xubnaha xisbiyada ku jiraa ee haysta kaadhadhka
xisbiyadu ay doortaan heerarkaa kala duwan ee xisbi kasta hoggaamiyayaashiisa.
Tifatirka SomalilandHorta