XASANOW OQOOSHAYE
Waxa Curiyey:
Axmed Yuusuf Ducaale
November 28, 2006
Xasanoow oqooshayee hadii iilka lagu geeyay
qarankiiyoo oogsadey miyays daba aguugaayey
aaskaagii Carafaad miyuu iidda leekaadey
Arabsiyo ka weyn iyo cabdoow oodii Gabileeye
Carro-edeg ayaa laysla kacay ax iyo waydiiye
Ushaad kor u riddaysaan ardaa madhan asiibayne
Ayaantuu khalqiga Eebeheen aagga kulul joojo
U ekaa xisaabtii dadkii aaska kuu yimide
Ardaydii miyaa amarkan dhacay oodda soo jabisey
Ayaamihii udgoonaa kuwii ayda kula joogay
Ma Es"tii ayaan inan kahadhin odey ka soo doogay
Ololahaa shiddeen iyo dagaal cadow ku eedaaday
Arwaaxdii ku dhimatiyo intii naafo ku abaaday
Ammiintii ducadii miyaa uunku wada ooyay
Odhaahdaadii Kaabiyo waxaad amarka dhiibeysey
Xusuustii ayay wiilashii weli ilmeeyaane
Uddubada u taagteen dalkiyo calankan loo aayay
Ammaankuu ku noolyahay dadkuu Faqashku aa-aayey
Alooskaasi dimuqraadigee Geeska ka iftiimay
Abuurkaa axzaabtaa ahaa ayaatiin dhabahe
Addiga iyo inkale oo kacdaa Eebbe noo diraye
Addoonsigii afweynuu waxbadan amar- ku- taagleeyey
Annaa idhi ayaa diidi kara waxan awood sheegtay
Iddinkaa albaabada u xidhay aqaladiisiye
Shadaafahaad ulaabteen aroor shalay iswaalkiiye
abo iyo walaalbaa xidhiidh lagu adkeeyaaye
Adigoo u taliyaan askari hoos u soo da'yine
Inaad simantihiin buu markaa aaminoo liqaye
Abbaanduulanimo ciidankaad shalay abuuraysey
Gooni -isu-taaggii ayuu dhab u illaashaaye
Habsarkaa siyaasiga noqdee oogta ka caddeeyay
Iyaddoon ladiideyn ninkuu uunku ugu deeqo
Damacaaga ma ahayn adiga sidey arkaayeene
Waxaad aragtay laba aan isgeyin in ay ahaadeene
Immaan Aluu uur dhergaa olalka reebaaye
Adduun urursi kugumey aqoon oggow raggaagiiye
Illaaliyaha lagu aaminee gowska uga dhaartay
Hanti guud agtaadaan askari damac ugeyneyne
Ka ajoode ummad xoolaheed qaate laba eefe
Afka ood ka xidhataa addiga laysla meel dhigeye
Dhawrsanaan allahayoow miyaa iilka laguu leexshay
Aamusnaan akhlaaq iyo usluub eebbe ugu deeqay
Insaaniyad obligoow miyaa maanta la aqooshay
OOfbaa igu bannaanaatay aan cidina Awdeyne
Geesinimo astaanteed miyaa maanta la aroorshay
Ifka wuxuu shaqeystaa u yaal keydkii aakhire e
Irdihii jannadaa loo baneyn idan Ilaahaye
Ollog wuxuu la noqon nabiyadduu Eebe soo diraye
"HalAtaa"jannaduu Eebeheen eheladeed sheegay
Sharaabkii udgoonaa qabow oonkii dunidiiye
Balan uu Alluhu qaaday waa wacad u oofshaaye
Xuuralcayn naciimaa aroos loo agaasimiye
Shuhadadii ayaa soo dhaweyn oo akhbaar sugiye
Assaaskey dhigeen qaran unkamoo aamin lagu seexday
Aqoonsigiiyo Somali/land dunidu eegaysey
Qosol iyo orbaa laysku dari sacab idaylkoode
Intaa wuxuu kudari oo indhaha dibad usoosaari
Wadaadka is abaabule isyidhi diinta ku adeego
Ee Hargeysa soo eegayee ururshey mooryaanta
Isu-taag-iskaa gooni yidhi waaba amardiido
Anse loo diyaar yahay inaan axad ka noolaanin
Alifkeeda laamka iyo miim waxa asraar jiifa
Albaqriyo cimraan maa'idiyo dhaxalka taa oogtay
Al-An-Caam acraaf iyo anfaal towba ereygeeda
Aayaadkuu "uxkimad" eebe yidhi ayaan akhriyaaye
Allaheen inaan tuugno waa amar uu soo rogaye
Ijaabadana isagaan kasugi wuu aqbalayaaye
Aqalkaa Fardowsuu ahaan Xasan inshalaaye
Abaal aad lahayd iyo acmaal ururtay weeyaane
Aamiin allahayoow ducada ii ajiib magane
-----------------------------
1. Hafsar: = waa "Officer" sidaa loo badalay
2. Halataa = waa Suurat hal-ata-calal Insaan
3. Mooryaanta = waa daydayga
4. Alifkeeda laamka iyo miim" = waa Alif Laa
Miin
5. Al-baqra = waa Suuratu Baqra
6. Cimraan = waa Suurat Al-Cimraan
7. Maaida = waa Suurat-ul-Maa'iida
8. Dhaxalka taa ogtaaty = waa Suurat-U-NNisaa
9. Acraat = waa Suurat-Ul-Acraaf
10. Uxmikad = kitaabun Uxkimad Aayatuhu" oo
ay ka bilaabanto suurada Fussilat
|
|