Marashi 1
Waxan xusuustaa muddo aan aadba u fogeyn oo aan ku naalloon jiry Farxad iyo
Rayn-Rayn marka karantu dabayaaqo tahay ee aan xasiidda iyo aalaha ka goosto
beertayada oo in ka yar laba kiiloo mitir u jirtay guriga. Dabadeed waxan
milicsaday faraqa u dhexeeya berigaas oo aanan haba yaraatee cuni jirin cunto
aan ahayn tan adawgay muruqooda kula soo baxeen iyo maanta oo inka badan 85%
cuntada la quutaa tahay wax dal qalaad laga keenay. Waxa is-weydiin leh, maxaa
innagu qasbay in waxa aynu beeran karro lacag adag kaga soo iibsanno dal
shisheeye?
Murti gabay haddaan maxamedow midhadh ka taataabto
Nin waliba halkay uga macduu kaaga mariyaaye
Aniguna bar aan qalin marsaday bal aan ka maansoodo
Manfacii dhul laga quudan jiray waa la maanacaye
Moohaar2 la soo dhoofiyoo madhiya jeebkaaga
Waa waxa dhaqaalihi makalay miigganaan jiraye
Maan-dooriyaha laygu duray saw mushkilad maaha!!!
Masengeda raggii beeri jiray way I maan garanne
Innagaase magacii dilloo maydhnay quruxdiiye
Adawgeen sirtuu maali jiray marag u soo qaatay
Gugu maalintuu soo curtee maayad soo kiciyo
Eey maamiyaan fooruhuu dirirka miisaamo
Maansiyo guumbood3 kolkay midi u soo booddo
Dharaartaa wuxuu maylin jiray muruq wax soo saare
Intuu laba xaraash4 soo madhuu meerar5 ugu
taago
Marka hore rogaalkii hadduu ciidda kala mooso
Oo maalmo dabadeed shinnida dhab ugu miisaamo
Mahiigaanna baallaha furtoo degelka maansheeyo
Muddo gaaban waakaa biqlee mudhay sidii dooge
Muuqaalka quruxdaa indhuhu arag majeertaane
Kol haddaan muraad loo lahayn saw mushkilad maaha!!!
Isagoo intuu daadku maray milicda raacaaya
Misgahaaga goortuu qarshuu bilic madiixaayo
Waxa maalintaa lagu ceshaa marashi baaq baaqe
Midhadhkii jinqiyey6 baad kolkaa uga miciintaaye
Waakaa jirkii soo maraba rays ka muudsadaye
Mayay ku hufyaa ama gudgude baalka mariyaaba
Waa lagama maarmaan raxmaad inu ku miisaaye
Goortuu maraariyo xubniyo madaxa soo tuuro
Uu midhaha soo wada baxshee Luul lawada moodo
Durba xamarrihii7 mamay bilaw inu murqaamaaye
Isna macalinkii soo tabcaday miiqay wadhafkiiye
Madfac jeedal-qawlaha8 sidii maarre ka cisiiye
Masangiyo gelleydii u baxay milicsi daymoodka
Muruqiisa inu kaashaduu maalay tacabkiisa
Makhluuquba dhammaan wada qiryoo maalintaa aragye
Isaguna macaankeeda dheef qaranna muuneeye
Maxastuna xasiid iyo ka heli aale muud badane
Maqaar-saar haddii laga fadilay saw mushkilad maaha!!!
Wax waliba mudduu leeyahood midho ka goysaaye
Majaday9 geshaan guus10 la xulay maalmo
dabadeede
Waxa kuusas laga meeryaan madaxu suurayne
Midhao saarka goortuu hantuu maadhka kala sooco
Manfaciisa waakaa durtaba mahadshay reerkiiye
Madhax bohosha goortuu ku shubo gacalla maamuuso
Maqaamkiisa wuu garan karaa nin u muraadaaye
Qorshahaba haddii laga masaxay saw mushkilad maaha!!!
Murtuu hadalku kala leeyeyehee waxan ku maan-guurshay
Midigtaadu waxay kuu jartaa lagu macaashaaye
Marriin toobal-caare ah lawaa inu miciinaaye
Annagana hadday ma-hurtadii naga maroojeene
Waxa xoogsatadi lagu maxleley rubuc la miisaaye
Magan waxay u tahay china iyo qaar macooda ahe
Maskax lagu dayey ii jirtaa inan ka maarmaaye
Haddii garashadii lagu mergeday saw mushkilad maaha!!!
Muggii weel ma dhaafaa la yidhi maragna soo yaale
Malmalluuqi baa taray hadday murugtay hawshiiye
Martabada raggaan dhawra idhi marinka qaanuunka
Madaxdaan ku baandheeya idhi xaqiyo miisaanka
Dhaameel haddii lagu marsado saw mushkilad maaha!!!
Ali Adam Awaleh
Xasiid2000@yahoo.co.uk
1Marashi: Birta Jeexda dhulka ee ku rakiban agabka dibiga
saaran ee beerta qodaya.
Alla Ha U Naxariistee Waakii Lahaa XAJIIN "Ma Adaa Birtii Jeexaysiyo
Boorrow Dibigii Leh" - Birtaa Jeexaysa Weeyaan Marashi
2Moohaar: Qiyaas mug ah oo joonyada ka waabsan
3Maansiyo guumbood: Laba xidig oo beeralaydu ay eegto oo la
xidhiidha xiliga beerta la qodayo.
4Xaraash: Dibi xaraash waa dibi dhulka qodidiisa ku
wanaagsan
5Meerar: Labada dibi ee beerta qodaya marka agabka la
saarayo.
6Jinqiyey: Hadhuudhka aad isagu dhaw ee baaq-baaqu kala rogo.
7Xamarihii: Shimbirta yaryaraha la yidhaa ee hadhuudhka
cunta
8Jeedal-qawlaha: Jeedal inta la wareejiyo dhac laga siiyo oo
shimbirtu ka dido
9Majaday: Birta qoolaaban ee hadhuudhka lagu gooyo
10Guus: Marka la sagu tago beerida hadhuudhka, goyntiisa iyo
tumistiisa.