LITERATURE

The Golden Jubilee

50 Guuradeedii
Gummeysigu u daayeey
Gobanimada hanataa 
Gaani ay u heestee
U garaac durbaanoo
Geblee shinbir ciyaar iyo 
Ubax gun iyo baar baxay1
Hiddaheena gaarka ah2
Gelbis keedu uu yahay

Waa Hargeysa Gaanaay
Taa guul ku tidhiyee
Gayiguna dhammaantii 
Sacabkii garaacaye
Ka gudoon salaantoo
Misna gacan u fidiyoo
Garabsii aqoonsiga

Geeskiyo galbeedkaa
Gaar uga mudheenoo
Dimoqraadi gaadheen 
Geedkiisu baxayoo
La gurtaa wuxuu dhalay

Waa Hargeysa Gaanaay
Taa gacal u aragtee 
Akra garab agtaagani
U heesaysa guulaha 
Geyiguna dhamaantii
Geeraaro soo faray
Ka gudoon salaantoo 
Misna gacan u fidiyoo
Garabsii aqoonsiga 

Osagyeefo3 geesigi 
Waxaan gaar u leeyahay
Ghanadaad xoreysiyo 
Guubaabadaadii 
Afrikadu gadoodee
Gibisha iska tuurtiyo
Noodii go'aankii4
Giniyaad malyuunaad 
Gini5 waxaad u deeqdaa 
Baal gaar ah lagu qoray

Ghanana waxaan idhi 
Abidkaa ha gaagixin 
Hadhargoo gurboodkaa
Ka ilaali gaajada
Ganacsiguna xooggii 
Guud sarre dhaqaaluhu
Guulaha u kala geli
Soomaaliland garo
Waxa gubaya maantoo
Ka gudoon salaantoo
Misna gacan u fidiyoo
Garabsii aqoonsigga 



Axmed Y. Ducaale


1. Ubax Gun Iyo Baar Baxay: Heestii Cabdilaahi Sagsaag ee caanka ahayd

2. Hidda Heena Gaarka Ah: Heestii Cabdilaahi Sagsaag ee caanka ahayd

3. Osagyeefo : Magac amaan ah oo la raacin jiray kwami Nrumah la raacin jiray magaciisa

4. Noodii go'aankii: "Waa Weedii iyo Noodii France ay waydiisay dalalkay xukumaysay 58kii oo Guinea "Konakary" ay No tidhi sidaana ay xornimadii ku heshay. "kadibna francsiikii aroor ka guuray waxkastana uu qaatay.

5. Gini: 10 Malyuun oo gini ayuu kuwami nkrumh ugu deeqay Gunea aroortuu Faransiisku ka baxay
 

 


 

 


Home |  News |  Literature |  Articles & Opinions |  Archive |  Photo Gallery  | Contact Information 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].