Somaliland Horta Website Somalilandhorta

LITERATURE

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI
Ergedii Furqaan
By: Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi)

Nebiggi Ilaahow
Nuurkii Islaamkow
adigoo adduunkiyo
ifka weli ka maqan baa
lagu sii oddorosoo
ishaarooyin badan baa
dadku kaa arkeenoo

Maalmaha Illaahay
qaar baa astaanlee
toddobada ayaamood
Isniin baad ka dhalatoo
adduunyada xuskaagii
ololaa 1w dhacayoo
urur-weyne goortii
ugxantaadu bururtaa
xiddiguhu ifeenoo
dayaxaa ilayskii
arladoo dhan gaadhoo
onkodkiyo hillaacaa
araggiyo wax maqalkii
ash qaraar ku ridayoo
Insigiyo jinkaa farax
Abshir dhaha la yidhiyoo
inta haadda duushiyo
idil ha bar dugaag baa
abaabuley ciyaaroo
dhirtu oogadaadiyo
afartaada geesood
ubax iyo caleen bay
ku ilaa-xidheenoo.
Abtirsiimadaadiyo
meeshaad ku ababtaa
dadku wada ogaayoo
Aaminatu Wahab baa
kugu qaaday uurkoo
weli soo if bixin baa
adoogaa xijaabtoo
nafta laga aroorshoo
Amran hooyadaa baa
ummushii ku dhimatoov Allahay Xaliimuu
igadh kaaga dhigayoo
iyaduu xilkaagii
adhaxdeeda saaroo
iyadaa laf-dhabartiyo
kugu qaaday adhaxdoo

abuurtaada Nebiyow
ulajeeddo weyn buu
ka lahaa Ilaahoo
hadba guri ammaanuu
Rabbi kugu ogaayoo
arrintaada meel buu
ku ilaalinaayoo
adigoo agoonaad
Maka adhi ku raacdoo
oon iyo harraad iyo
arrad iyo cagaag baad
u adkaysanaysee
Nebigii adeerkii
Abu Daalib koriyow.

Nebigii Ilaahow
Adoo jooga keligaa
buur oogadeedoo
Adduunyada sirteediyo
ifa-faalaheediyo
ku dhexjira ammuura
ha ka qarsoon addoomaha
sow uur-ku-baaliyo
Malag kuuma imanoo
Iqra kuuma dhiginoo
Aayadaha Quraankiyo
magacyada Ilaahay
kuma odhan guddoomoo
runta kuma ogeysiin.
Dabadeed ayaantaas
Xaruntii Ilhaamkaa

idan kaaga yimiyoo
waxa Eebbe kaa wacay
cirka oogadiisoo
Nebow geenyo uguboo
amranoo la yaabloo
Ashkiraa ku qaadoo
Carshigaa il-bidhiqdeed
irriduhu Jisrmeenoo.
Alaaheenna weyn baad
afti kala hesheenoo
noloshiyo iftiinkuu
kuu soo egmadayoo
u arrimi 1w yidhiyoo
urur-weyne waa taad
ka akhriday dhambaalkee
ummadoo dhan shirisee
arrintii dhacsiisee
ulajeeddo hadashee
oosha tidhi hoggaansama.

Inkastood wax yaabliyo
tustay dhawr astaamood
waa tay addoomuhu
afar iyo shan mooyee
kaa aamuseenoo
iimaansan waayeen
Aayadaha Quraankee
dhegahana ka awteen
ulajeeddadaadoo
adyadaa carruurtiyo
gardarada abwaanada
ushu kuma dam qaynoo
samirkii Ayuub baad
kaga uur samaydoo
eeddooda waataad
u adkaysanaysee.

Waan-waanta Eebbiyo
amar baad sugaysee
goortii afdaalee
odayadi Quraysheed
ergo lagala quustaa

abbaanduulayaashii
ka irdhoobey Diintee
Ashahaada diidiyo
arbayaashi qooqaa
Beder lagu umaadoo
lagu adhax wareemoo
ajar iyo jihaad baa
birta loo afaystoo
waaberi arooryaa
Uxud layska helayoo
eebiyo gantaal baa
lagu wada idlaadoo
dhiiggii ordaayaa
oodaha la tegayoo
ololkii Xunayn baa
boqorkiyo ugaaskii
indhashoodi duushoo
goobtii Axsaab baa
axan loogu kariyoo
win kaa maqnayd baad
aarkeeda gudatoo
Kabcaada ajarankii
nafta lagula eertoo
libta lagu aroostaa
Xarameynku iidoo
uskagii ka maydhoo,
waxa laysku aaminay “
Aaway ku aaway
ambaqaad higgaadoo
Addin yaa Biiaal “.
“Dhammideed adduunyada
afarteeda waaxyood
Eedaanka gaadhsii
Addin yaa Bilaal “.

“Awliyada qarsoon iyo
iilkiyo xabaalaha
Aammiinta maqashii
Addin yaa Bilaal “.

Allaahu Akbartii bay
daateen asnaamtii
Abu Jahal rumeeyoo
‘Ilaahyadi’ la beeree
ninba toban abuurtaa
Eedaanki dumayoo
Allahay sir iyo caad
inu yahay mid keliyaad
asaraar ka saartoo
udubbada Furqaan baad
ku adkaysay ciiddoo
xididada u aastoo
ummad kala qab-weynoo
Ashahaada karinoo
anbatoo hallawdoo
abtirsiimo lumisoo
is addoonsanaysoo
utin kala dhex-taalliyo
aar-doon ku madhatoo
usha laysku dhacayoo
ooduhu dhex-yaalliin
soo ururshihiiyow.

Dunidoo la iibshoo
dadku kala irdhooboo
dhasha aabbayaashii
nolol aasayaanoo
qofkastaa itaalkii
ku adeeganaayoo
ruuxaan awood-layn
la addoonsanaayoo
dadku ooyayaanoo
umal-taah ku seexdaan
Nebigii axsaantiyo
galladiyo abaalkiyo
soo rogey ammaankow.

Xaqa kama ajoodow
runta kama adkaystow
ammaanada ma lumiyow
dadka uma abtiriyow
ammaantaada Nebiyow
afku koobi maayee

waxaad olol bakhtiisiyo
waxaad eedo reebtiyo
waxaad un daweysiyo
waxaad eel bogsiisiyo
waxaad aafo damisiyo
illinkaad bannaysiyo
dhaqankiyo asluubtiyo
garaadkiyo aqoontiyo
iimaanka sugan baa
dadku kaaga aayee
axdigaagu waa tiir
ummaddaadu mudantahay.

Rabbow adiga mooyee
Illaah kale ma jiro.
Marka xiga aqoonsani
Nebi Maxamed Eebbow
Ergadii Furqaan iyo
inuu yahay ma dhaafaan
Ambiyadda dhammaantood.
Allahayow ha nagu xilin
noloshiyo adduunyada.
Eebbow sinnaantiyo
Islaamnimada xooggee.
Udgoonow Rasuulkii
ummaddiisa naga yeel
na illaali weligaa.
Rabbow iilka nagu dhawr
ifka nagu xannaanee.
Eebbow hortaadiyo
aakhiro qiyaamaha
Rabbiyow ii debecdoo
naxariis leh nagu eeg.

 


1. Aamina Waa Aamina Bin Wahab. Waa Nebi Maxamed hooyadii (Nabad iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee.
2. Xaliimo-Waa Xaliimatu Sacdiya.


 
Printer Version



 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp