Somaliland Baro
May 8, 2007
Currintii: Axmed Nuur Aw Yuusuf
Qiyaastii sanadkan bilowgiisii, mar uu Geedi yidhi wax
Somaliland la yidhaa ma jiro ayay ereyadani ku saabsanaayeen.
Tuduca u danbeeyaana waxuu ka daba yimi markuu Geedii
Somaliland argagexisada ku sheegay. Akhris
wacan.
Bisanka iyo Yaasiin
Ka cuskoo balaayada
Geedoow ha boodine
Waxba ha is ku buuqine
S/Land baro
Beladkaa gaboobee
Baashaa galbeedka ah
Berber iyo Boorame
Bogeyga iyo beerkiyo
Baxsaneey hargeysiiyoo
Burco calanka laga muday
Ahayd biqilkii qaranimo
Buuraley Sanaag iyo
Bada Sheekhu yaaleiyo1
Badhtamaha Nugaaleed
Waa baaxaddeedee
Bisanka iyo Yaasiin
Kacusko balaayada
Geedoow ha boodina
Waxba ha is ku buuqine
S/Land baro
Boggaa isku fayooboo
Burcad la isu mariyoo
Nabad baahday oo dhab ah
Barwaaqey wadaagaan
Dowladnimay bineeyeen
Dimyqraadi lagu bilay
Xisbiyey bilaabeen
Beel beel ma joogtiyo
Bye iyo Maqaadiish
Been beenta taaliyo
Banbadaa la ridi iyo
Boobaha dhacaayiyo
Bazuuka yeedhiyo
Bugta iyo bacdaa bixi
Bisanka iyo Yasiin
Ka cusko balaayada
Geedoow ha boodina
Waxba ha isku buuqine
S/Land baro
Shalaytaa biliilaqo
La I boobay duhuroo
Ciidan leygu beegiyo
Beebee I jidhee
Baalayadi ma haysaan
Baas ma is haleesheen
Ba’ayeey haweenkii
Barakici ma buuqeen?
Bisanka iyo Yasiin
Ka cuskoo balaayada
Geedoow ha boodine
Waxba ha is ku buuqine
S/Land baro
Bushmahayga qosol iyo
Baga oon idhaahdaa
Ma banana diintee
Berdan Eebeheenoow
Biyo qabow ka yeeloo
Ka bakhtii dabkaa bixi
Ugudeeq badbaadoo
U bogsii qalbiggiyo
Beerkey iska diideen
Bisankaiyo Yaasiin
Ka cuskoo balaayada
Geedoow ha boodine
Waxba ha is ku buuqine
S/Land baro
Markey nabadu bilatee
Kabaxdaan kadeedkaa
Laba baled ma noqonnaa
Barbaroo walaala ah
Baal cusub ma furanaa
Buug hore ma laabnaa
Iyo baryo wixii dhacay?
Laba calan o biligloo
Bahnimana dhexdood tahay
Batarkaan aqaan iyo2
Beeray ma u hanneynaa?3
Bisanka iyo Yaasiin
Ka cuskoo balaayada
Geedoow ha boodin
Waxba ha isku buuqine
S/Land baro
Waa beri wanaagsani
Ha ku baaho geeska e
Laba madaxbanaanoo
Beladweliba dhinacii
Dowlad buuxda uu yahay
Bunka ma is ku siinaa
Baabacada keen iyo
Barkhad hoo ma baaqnaa?
Bisanka iyo Yaasiin
Ka cusko balaayadda
Geedoow ha boodine
Waxba ha isku buuqine
S/Land baro
Nabad baan ka doorbiday
Baas iyo balaa ye e
Taasaa badbaada ah
Labadeena beled oo
Burjigoodu sheegee
Bari mid u dhaqaaqiyo
Nin galbeed u boodaba
May’s bogaadinaayoo
Baye baye ma is nidhaahnaa
Bisanka iyo Yaasiin
Ka cuskoo balaayada
Geedoow ha boodine
Waxba ha is ku buuqine
S/Land baro
Mise boowe waxaatahay
U banbaxe dagaaloo
Bir uu kaaslo mooyee
Aan Hargeysa bixineyn
Majirtadaad bilowdaa
Besba hadalku kaa yahay
Baaqaagi hore iyo
Makabaxday a qoonsigii4
Bisinka iyo Yaasiin
Ka cusko balaayada
Geedoow ha boodine
Waxba ha is ku buuqine
S/Land baro
Nin bereysan inaad tahay
An ku yara bilkeedshee
U badheedh “M-Qustoo”
Ma buddii barkaanliyo5
Buulkii awoowgaa
Ayaa Bari haweystoo
Ooy Banaadir nabadii
Bul-land maamulaysa
Bi’I waaye Geedoow
Ha u bu’in dalkaygee
Bararadaada nabadgeli
Ubislee nidaam iyo
Be’e maamul loo bogo
Bisinka iyo Yaasiin
Ka cusko balaayada
Geedoow ha boodine
Waxba ha isku buuqine
S/Land baro
Marka aad barbaaartaan
Indha baraqsi gaartaan
Iima beegsan karayside
Waxaad ku hafan boodhkee
Bari mid u dhaqaaqiyo
Mid galbeed u bixitima
Mays bogaadinaayoo
Taasaa badbaadadu
Ku jirtaa bill-aahiye
Mise baahilaawiyo
Balooley ciyaarte’e
Barashaay gu kaa dhiman
Birteydaan ku sarin weli
Barihii siyaad dhalay
Wiilkii ka beermiyo
Barbaartii uu soo diray
Balweydii waxa helay
Sida loo bireeyiyo
Sida loo bursadey iyo
Sida loo bahdilay iyo
Casharada la soo baray
Bisinka iyo Yaasiin
Ka cusko balaayada
Geedoow ha boodine
Waxba ha isku buuqine
S/Land baro
Boodoo abraaroo
Bilig waa nigaa idhi
Bulshadii aduunkaa
Balantii ka sugayaa
Caleen laygu boobiyo
Boqornimo dhawaataye
Isha iyo bacleelkana6
Noo bambe bir maaroo7
Bixi Shuushka Eeboow
Bisinka iyo Yaasiin
Ka cusko Balaayada
Geedoow ha boodine
Waxba ha isku buuqine
S/Land baro
Kitaabkaagii baalidey
Baalashu gaboobeen
Boodhkii ka kicisoo
Baranbaro ka didisee
Ma waxaa ka soo baxay
Burcooy iyo Hargeysiyo
Barbera iyo Boorame
Bari iyo Sanaag iyo
Bartankii nugaaleed
Beentaad abuurtiyo
Baaqaagu yaahay shalay
Argagixis ku beegmaa
Lagu tababaraayoo
Geeskaba burburinkara
Bisinka iyo Yaasiin
Ka cusko balaayada
Geedoow ha boodine
Waxba ha is ku buuqine
S/Land baro
Biyahaa cantuugoo
Ka luqluqo badheedhkaad
Beenta nooga sheegtoo
Xaalbixi aan soo noqon
***Footnotes
1. Maqaanka Sheek Isaaxaaq ee Maydh
2. Ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka Somaliland
3. Ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka Somalia
4. 2005 ayuu ku dhawaaqay Geedi inaanu waxba ka
qabin hadii Somaliland la aqoonsanayo oo dhibaato
badan u keentay xaga Somaliya.
5. Wuxu tilmaamayaa baydkii shiribka ahaa: "Buddii
Arkaanle Cabdileey, waa baarlamaankay leeyihiin."
6 & 7: Waa shiribkii ahaa: "Bacleelkiiba soo batee,
Allow bir maara noo bambee"
*Bacleel waa isha iyo cawrifs. Birtana ama Baraarug
si aan laguu ileyn ayaa la qaataa. |