BEER-WALE (1979)
Maxamed Xaashi Dhamac "Gaarriye"
Nin beer-wale ah oo sabool ah ayaan Af-gooye kula kulmay. Wuxuu ag yiillay
Webiga dhinaciisa. Hase ahaatee wax xidhiidh ah oo labadooda ka dhexeeyaa ma
jirin. Sababta oo ah qalabkii uu biyihiisa kula soo bixi lahaa ayaanuu haysan.
Matoorrada iyo cagafyada la sheegana wuxuun buu ka maqli jirey Idaacadaha.
Siiba marka uu "Macallinku" uu guulaha Oktoobar tirinayo. Isaguse ciddiyihiisa
ayuu beertiisa ku fali jirey. Dhididkiisa iyo biyaha cirkana wuu ku waraabin
jirey. Ayaantay bislaatana (A.D.C.) ayaa midhaheeda kala wareegi jirtay; oo uu
dib uga iibsan jirey. War-bixintaas naxdinta leh isaga oo ii wada ayuu arkay
basaasiin na dhegaysanaysa. Markiiba intuu istaaqfurulaystay buu sheekadii
beddeley; oo amaantii ay jeclaayeen u saaray.Wuxu yidhi:waxaan ahay
asaasayashii(X.H.K.S.); carruurtayduna "Ubaxa Kacaanka" ayey ku wada jiraan....halkaas
buu sheekadii mariyey, baaqigana maansada kala soco:
Gaarriyoow ammuur culus
Gaarriyoow af-kala-qaad,
Arrin waliba meel lehe
Ammin wali xusuus lehe,
Ayeydeey mas baa cunay;
Aabbahay sidaan qabo
Istimaarki baa dilay,
Awawgayna mooyaan.
Anna beer-walaan ahay;
Afgooyaan ku noolahay;
Arligaygu roob ma leh;
Webigaa agtayda ah
Intifaacsi kuma qabo.
Aaladaha matoorkiyo
Qalabyada ordaayana
Weligayba maan arag.
Cagafyada abraaree
Ugaaskeennu sheegaa,
Waa ii afkiisiyo
War-idaacadeed iyo
Guulaha Otoobare.
Gacmahaan adeegtaa
Ma awoodo yaambada.
Arradkiyo falliinkaa
Faraha i abaadshoo,
Way wada af-beeleen.
Uurkaygu waa milil;
Adhaxdaydu waa boog;
Cudur baan il-daranahay.
Addimada cagaagiyo
Oof baan u liitaa.
Abuurkayga ciil iyo
Urugada naftaydiyo
Umal baan ku beeraa.
Sida ugaxda diinkaan
Eegmada ku koriyaa.
Oogada huraysiyo
Uumiga korkaygiyo,
Dhiiggayga oomani
Kolkuu aburka saydhaan,
Xididada agoonta ah
Ku waraabiyaa umal.
Waxay saa ahaataba,
Ayaanteey bislaatee
Aayaheedu soo baxo,
Ayax baa ku sara-kaca
Wuu wada idlaystaa.
Inta layga adag yahay
Isna waa anfaaciga
Anna waa awaaraha,
Eridhabanki baan ahay
Nacabka u irmaanaa.
Istaaqfurula waa been
Askartii war-sheekadu
Yeey ina af-qaadine.
Adduunkii i soo gala
Iskaa baan ku bixiyaa.
Xisbigeenna aadka ah
Aasaasiddisii
Ayidaada sacabka leh,
Raggii ku aqbalaan ahay;
Dagaalkii Itoobiya
Adaraa la ii direy.
Ururrada dad-weynuhu
Waxay hees aloosaan
Erey igu ma seeggana.
Ubadkayga roon-roon
Ubaxaan kurtood qorey.
Afadayda Xaawana
"Oryantayshankaa" jecel.
Akhriskiyo qoraalkiyo
Dejintiyo abaartiyo,
Aftidiyo distoorkiyo
Dhammaan ololayaashii,
Irsiq hay dambeeyee,
Ammaan baa la ii dhigay.
"Aabbaha Kacaankana"
Asmaadiisa boqolka ah
Waan wada aqaanaa;
Maxaa yeelay waa amar
Amar dawlo weeyaan.
Aynfaadka joogiyo
Eedaadka maantana,
Allahiisa weeyee,
Sida Odaygu leeyahay
Kama iman xaggiisii:
"Iimaaanka beeliyo"
"Af-miishaarka baas iyo"
"Isticmaarka weeyaan."
|

Somaliland Emblem

Hargeysa Somaliland

Dadweynaha Reer Somaliland

Somaliland Passport

Somaliland Map

Somaliland Stamp

Somaliland Stamp
|