L I T E R A T U R E

Untitle Document

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Soo Gar Bax ama Garowso: Aabaha Miisaanka Maansada Soomaaliyeed
June 25, 2008 - Written by Osman Abdillahi Sool


Yaa loo aqoonsanyahay Aabaha miisaanka maansada Soomaaliyeed? Ma Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) mise Cabdillaahi Diiriye Guuleed (Carraaale)?

Muranka suŽaashaas ka taagani waa mid hadda dad badani u dhegataagayaan si ay jawaabta saxan ugu hubsadaan meel adag.
Aniga ayaa ka mid ah dadka u hanqal iyo dhegoba taagaya jawaabtaas. Haddaba YAAN JAWAABTAA KA HELI KARAA??
Maxaa looga Bartay Soomaalida, Murankan oo kale? Waxa aan arkayey laba aqoonyahan oo aniga hortay mawduucan wax ka qoray, una arkayey arrin ugub ah in Soomaalidu halabuurka isku qabsato. Taas waan deedafaynayaa.

Waxan leeyahay Soomaalidu si weyn ayey isugu qabsataa halabuurka. Laakiin halabuurku weli ma hantiyoobin Soomaalida dhexdeeda. Taas ayaa keentay in murankan xoog loo sii danayn waayo. Haddiise darajooyin la isugu toli lahaa ama duunyo laga maali lahaa, waxad maqli lahayd; dagaal ka dhashay gabay ama halabuur la kala dhacay. Haddii aad gabay dhaadhi tahay waxad hubaashii maqashay gabayo fara badan oo dad kala duwan loo tiirinayo, haddiiba aad gabayadaas u nisbayso cidda aad u taqaanno na, dad kale ayey kariirta kaga dhegaysaa.
Bal adigaba aan ku waydiiyee yaad u taqaannaa in ay tiriyeen gabayadan soo soocda?

Gabay 1aad: "Qabqab dhaafay bay laba qabiil qaran ku waydaaye"
Gabay 2aad: "Muslin aan islaam kugu dhaqayn muuminnimo khaas ah, Gaal maxasta kuu dhawra ood magansataa dhaama"
IYO Heestan : "Soomaaliyeey toosoo, toosoo isku tiirsada eey. Hadba kiina taag daraneey, taageera weligiineey"
Shaki kama jiro in aad qaarkood maqashay muranka ka jira. Ta ugu dambaysa oo ah heesta qaranka ee ay Soomaalidu si qiiro leh ugu bururi jirtay marka la qaadayo, waxa lagu kala sheegaa ilaa saddex qof. Waa Yuusuf Xaaji Aadan Qabille, Cali Mire Cawaale iyo Qaasim Hilowle.

Ugu yaraan laba ka mid ah saddexdaas abwaan waabay ka hadleen lahaanshahooda halabuurkaas. Qaasim Hilowlena waxa u hadashay gabadhii uu dhalay ee Faadumo Qaasin.

Beri dhaweyd xaflad aan ka qayb galay waxa ka hadlayey aqoonyahan uu dhalay Cai Mire Cawaale oo lagu magacaabo Eng Maxamed Cali Mire. Aqoonyahanku wuxu hadalkiisii ku soo daray, codsi ah in aanu la qaadno heestii aabihii Mire Cawaale sameeyey 50 sano ka hor, waa siduu hadalka u dhigaye.
Wakhti kaas kasii dambeeyeyna waxan akhriyey buug ay qortay aqoonyahanad uu dhalay Yuusuf Xaaji Aadan oo ay aabeheed kaga taariikhaynayso. Waa Foosiya Yuusuf Xaaji Aadane, iyaduna sidoo kale ayey u xustay taariikhda xiisaha leh ee aabeheed ka curiyey heestaas guubaabada ah; Soomaaliyeey toosoo, toosoo isku tiirsada eeey.

Murankaasi cidna kama daahna ayaan filayaa. Laakiin ma jirto cid ka gar naqday iyo cid xeerar ka dejisay toona. Waayo? Dee Soomaalida umaba cadda sababta gar iyo hawlo la isu gelinayo, iyada oo ay jiraan xeerar fudud oo qadiim ah oo qof waliba u madax bannaanyahay turjumiddooda.

Xeerarkaasi waxa ay yihiin:
XEERKA 1AAD WAA: In aad sax u haysato wixii aad hore u maqashay ama u taqaannay. Wax alla wixii aad gadaal ka ogaataa waa bar kuma taal. Ninkii aad ka maqashaa waa: Iska hadloow Ina Igarre. 114ka Quraanka ayaan aqaanna iyo waa haddii aan kaa akhristo oo loogu jawaabaa.
XEERKA 2AAD WAA: Haddii hal abuur lagu murmo cidda iska leh, waxa aad eegaysaa labada muranku ka dhexeeyo, qofka ku xiga abtirsiin ahaan. Markaa isaga ayaad u aqoonsanaysaa qofka halabuurkan xaqa u leh. Kuwa kale waa dhac doon iyo wax aan la aqbali karin.

Sow sidaasi xal sahlan maaha?. Dabcan way u muuqan kartaa. Laakiin waa dhib weyn oo haysta hal abuurka Soomaaliyeed. Haddii aan wax laga beddelinna jahawareer ku ridi kara dadka caadiga ah. Waxa ay ahayd in la dejiyo xeerar lagu kala saaro hal abuureyaasha, wixii la kala saari kari waayan, loo aqoonsado hanti umadeed oo aan qof gaar ahi lahayn. Haddii ay taasi aanay hore u dhiicin haddaba talada ha lagu darsado. Qaddiyaddan miisaanka maansaduna ha noqoto tijaabo laa Hadda iyo Ogaalkayga Muranka Miisaanka.

In ay maansada Soomaaliyeed leedahay miisaan lagu cabbiri karo waa mid aan weligayba dareensanaa laakiin ma ogayn wixii ka horreeyey 2002 wax daraasad ah oo lagu sameeyey daahfurka miisaankaas. Sanadkii 2004 waxa i soo galay buugga macalin CARRAALE ee wata ciwaanka mawduucan ee ah:"Miisaanka maansada Soomaaliyeed". Si xiiso leh ayaan u akhriyey. Wuxu iila muuqday mid xambaarsan aqoon xeeldheer oo aan la qiyaasi karin. Laakiin akhriska, fahanka iyo dib u xasuusashada nuxurka buuggu waa mid adag oo lagu caajisayo.
Waan jeclaan lahaa in aan helo qoraallo u dhigan hab kale oo sahaalo iigu duxi kara. Taas macneheedu ma aha in aanan waxbaba ka faaŽiidin buuggan isaga ah. Wax badan ayaan ka faaŽiidaystay -Alla i lehe-.

Wakhti dambe oo taariikhdu ahayd 2005 ayaan nasiib u yeeshay in aan la kulmo Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) oo socdaal ku marayey waddamada Yurub qaarkood. Halkaas ayaan ka ogaaday in muran ka taaganyahay qofkii ama ciddii daahfurtay "Miisaanka maansada Soomaaliyeed".

Gaarriye waxa uu ka cabanayey nin Carraale la yidhaahdo oo iska sheegtay; hindise iyo halabuur uu Gaarriye gaar u lahaa. Ninkaas Gaarriye ka cawday ee abwaanka bililiqaystay- waa sidii hadalka Gaarriye laga fahmi karayey eh- waan gartay oo waa ninkii aan dhawaanta akhriyey buuggiisa. Hindisaha la sheegayana gartay oo waa isla kan buuggaasi u qoranyahay.
Waxa kale oo uu Gaarriye xusay maalmaaas laba nin oo markhaatiyo kala duwan arinkaas ka furay. Mid ahaani markhaati beenaale ayuu furay oo waxbuu qarribay markii uu daahfurka miisaanka maansada u tiiriyey Carraale iyo Gaarriye si isku mid ah. Ninka kalena wuxu furay markhaati ilaahay oo waxbuu hagaajiyey markii uu daahfurkaasi u keli yeelay Gaarriye.

Labadaas nin waxa ay kala yihiin Johnsson Heello iyo Martin Owen. Waa laba nin oo ka dhashay qabaaŽisha laandheeraha ah ee cadcad oo weedhooda awrk lagu kacsan karo amaba carqalad lagala kulmi karo, haba ahaadeen af-barad ah aan dhalad ahayne. Inta dambe waa faallo aan loo dhammayne garo.
Waagaas laga soo bilaabo waxa aan si weyn ugu baraarugay muranka ka aloosan qaddiyaddan. Habase ahaatee uma banbixin dabagalkeeda. Waxaabad i mooddaa in aan sugayey cid kale oo jawaabta saxda ah ka soo baaraandegta oo ii soo hadiyadaysa daraasad hufan oo aan hawl iiga baahnayn.

Mudduci iyo Muddaacale: Meeshaas ama hadalkaygaas hore waxa ka muuqda qof cid kale wax ka tabanaya oo "mudduci ah" iyo qof wax laga tabanayo oo "muddaacale ah".

Mudducigu halkan wuxu noqonayaa Maxamed Xaashi Dhamac "Gaarriye" muddaacaluhuna waa Cabdillaahi Diiriye Guuleed "Carraale". Waxa la isku haystaa waa; Yaa helay ama daahfuray miisaanka maansada Soomaaliyeed?
Si loo kala saaro labadan halabuure ee weliba macalimiinta ah, waxa loo baahanayaa:

Xeerbeegti/guurti
Xeer ilaaliyeyaal
Qareenno
Caddaymo
Iyo Markhaati yaal

Xeerbeegtii:
Maadaadaama aanay jirin gole xeerbeegti ah oo u xilsaaran xannaanaynta hal abuurka suugaanta iyo afka hooyo, waxa lagama maar maan ah in ay xilkaas dusha u ridtaan dhammaan bahda hal abuurayaasha iyo suugaanlayda Soomaaliyeed ee ay doodani soo gaadho.

Xeer IlaaliyeyaaL:
Xeer ilaaliye waa qofka ciddii xeerka jebisa ama lagu eedeeyo in uu xeer jebiyey dacwad ku soo ooga ama maxkamadda soo taaga si xukun loogu rido ama isu difaaco. Halkan waxa ku habboon, bahda saxaafadda iyo saxafiyiinta Soomaaliyeed oo leh aqoontii ay hal abuureyaasha ku qodqodi lahaayeen iyo awooddii ay ku soo bandhigi lahaayeen waxa la doon doonayo.

Qareenno:
Doodani kama fursanayno qareenno u hadla labadan hal abuuure ee is haysta. Maxaa yeelay qaddiyaddoodana dhinac walba kama eegi karaan oo tooda ayuun baa u caddaan karta. Marna nimanku waa odayaal waxana laga yaabaa in ay odayaasha ku adkaato adeegsiga qalabka casriga ah ee kombuyuutarka iyo internetka. Markaa qareenno, afhayeenno u noqda labadan hal abuure waa lagama maarmaan. Waxaana ku habboon in ay qareenno inoo metelaan dadka durbaba mawqif cad ka yeeshay mawduucan.

Caddaymo:
Labadan hal abuure ee Gaarriye iyo Carraale iyo qareennadoodaba waxa looga baahanyey in ay badka soo dhigaan caddaymo la taaban karo oo raadraac leh. Taasi waxa ay xeerbeegtida u sahli doontaa in ay xukunka saxda ah ridaan.
Markhatiyaal:

Sida caadiga ah markhaatiyadu waxa ay ka mid yihiin waxyaalaha lagu kala saaro muranka. Laakiin mawduuca kani, uma baahno wax markhaati ah oo dheer caddaymaha qoran. Haa, waa loo baahanyey markhaatiga haddii uu soo bandhigayo caddayn la aamini karo. Haddii kale caddaymaha uun baa inagu filan.

Halkee Wax Marayaan Ilaa Hadda Sida aaan soo sheegayba, wuxu soo ifbaxay muranka miisaanka maansada Soomaaliyeed wakhti dhaweyd oo ku siman soo bixidda faaftay ee buugga Macalin Carraale 2003. Abwaan Gaarriye ayaa goleyaal badan ka xusay lahaanshihiisa "daahfurka miisaanka maansada Soomaaliyeed" iyo in uu halabuurkaas ku qabsaday nin lagu magacaabo Carraale. Inta aan kala socdo is qabsigan waa intaas, wayse dhici kartaa in horeba ay labada abwaan isu maandhaafeen, laakiin ay markan uun shacabka caadiga ahi ogaadeen. Carraale isaga wax juuq ah waa laga waayey.

Muddo yar ka bacdi oo ku siman 2006, waxa soo baxay maqaal ciwaankiisu ahaa "Ku maa ah Aabaha Miisaanka Maansada Soomaaaliyeed: Ma Carraale Mise Gaaarriye?
Qoraalkan waxa qoray Cabdiraxmaan Faarax (Barwaaqo). Af Soomaali hufan iyo farshaxannimo heer sare ah iyo weliba cilmi-baadhis caddaymo wadata ayuu ku lafa guray mawduuca murankan. Wuxu soo bandhigay caddaymo ku siman 1976 oo ah markii ugu horraysay ee uu Gaarriye mawdduucan ka hadlo, isaga oo hab maqaallo ah ugu soo bandhigay wargeyskii Xiddgta oktoobar. Isla wargeyskaa waxa kale oo uu ka soo xigtay markii ugu horraysay ee macalin Carraale isla mawdduucaas ku soo bandhigo Xiddigta oktoobar oo ahayd 1978

Qoraal dhaxalgal ah ayuu Barwaaqo halkaas ku soo bandhigay. Laakiin marka aad wax yar uun ka gudubto bogga koowaad, waxa kuu caddaanaysa jawaabta uu soo wado qoraagu. Waxa ka muuqata qanacsanaan iyo kalsooni 100% ah in "aabaha miisaanka maansada Soomaaliyeed" yahay Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye). Waxa ka muuqata la yaab weyn oo uu u qabo macalin Carraale-han sheeganaya daahfurka miisaanka maansada Soomaaliyeed. Xiitaa wuxu qalad u haystaa in uu Carraale buuggiisa u bixiyey magaca uu u bixiyey.

Wuxu yidhi Cabdiraxaan Barwaaqo: "Haddaba inuu Brof. Caraale u bixiyo buuggiisa ladhka ah: Miisaanka maansada Soomaaliyeed, waa gef weyn oo laga galay Gaarriye".

Mar kale wuxu ku nuuxnuuxsanayaa in ay tahay Gardarro aan geedna loogu soo gabban, haddii Gaarriye lagala masuugo ahaanshaha: aabaha miisaanka maansada Soomaaliyeed.
Marka aad si weyn u dhuuxdo qoraalka Cabdiraxmaan Barwaaqo, waxa inoo caddaanaya in aynu helnay qareen wax ku ool ah oo labada hal abuure mid ahaan u soo baxay. Taasi waa sidii la rabay -Marraa waaxid. Marka aad ka dheregto tabashadii Gaarriye iyo tafatirka qareen Barwaaqo, waxay indhahaagu eegayaan dhinaca macalin Carraale adiga oo leh: "AMA SOO GAR BAX AMA GAARRIYE U QIR" .

Laga bilaabo markaa wuxu Carraale noqday mid laga dhawrayo caddaaladda horteeda si uu isu barraxo. Macalin Carraale juuq iyo jaaqba waa laga waayey. Isaga ayaana laga sugayaa caddaynta. Dhinaca Gaarriye iyo qareenkiisa wax loogu noqdaa ma yaallaan. Haddii Carraale ama ciddii isu xilsaarta qareennimadiisa ay keeni waayaan caddaynta buuggaas la sheegay, waxa taariikhda daahfurka miisaanka maansada laga soo bilaabayaa axaddii 17ka jeenawari 1976 oo ku beegan maalintii uu soo baxay maqaalkii ugu horreeyey ee Gaarriye. Isaga ayaana loo aqoonsanayaa; aabaha miisaanka maansada Soomaaliyeed.

Maxamed Xirsi Guuleed
Email: abdibashir@hotmail.com
Osman Abdillahi Sool....Freelance
Journalist. Copenhagen



Marag Fur akhriste
Marag furkeygu wuxuu ku koobanyahay missaanka maansada. marag fur cilmi baadhe maaha- ee waa marag fur akhriste suugaanta, ama gaar ahaan Gabayga iyo wixii laxidhiida jecel.

Qoraalo taxana ah ayuu Maxamed Xaashi Dhamac 70nadkii, ku baahiyey Xiddigta October; kuwaasoo uu ku soo bandhigey godadka ama badaha maansada ee kala duwan, isaga oo godkastaba tusaalo ka bixinaya. Aad ayaan u qadariyey hawshaa qiimaha leh iniga oo xasuustay Al-Khallil Ibni Axmed Alfarahiidi, caalimkii dajiyey miisaanka gabayga Carabiga ah. Badhtameeyihii 90gii ayaan Gaariye hadyad ugu soo diray Kitaab Balaaqadda ka hadlayey oo Carabiya. Bilowgii 2001kii waxaan hadyad usiiyey Kitaab kahalaya miisaanka Gabayga Carabiga. Isla markaana Cajalado uu ku duubay Abijan oo uu miisaanka maansada taa taabanayo, isagoo gabayadiisa akhriyaya, ayaan iyagana daawaday 90meeyadii. Lamaan kulmin hawl qoraal miisaanka maansada ku saabsan oo ka horeyay, qoraaladaa uu bilawgii 70naadkii Gaariye baahiyey.

Akhriste A. Y. D
Ahmed. Y. Ducaale


 

 

Archives...


Somaliland
Parliament


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp

 


 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].