|
|
| |
Salaan iyo Bogaadin
Markii aan booqday Hoygan macaga wacan ayaa waxa
aan arkay in fikirkaloo abuurayna
ka sii wacan yahay. Bulshadeennu waa curdin
u baahan in laga koriyodhinacyo badan
oo ay ka mid yihiin: Dawladnimada, Siyaasadda,
dhaqaalaha , maamulka, qorshaynta,
ilaalnita qaraannimada iyo qaar kale oo badan.
Waxan si buuxda u taageersanahay in la
sameeyo qaab dadkeenna lagaga
caawiyo sidii garaadkooda kor loogu qaadi lahaa ee loogu
jahayn lahaa
inay fahmaan dal dhismihiisu inu u baahan yahay in mustaqbalka
fog raadka iyo
samaynta wax kasta oomaanta la qbanayaa ay ku yeelan doonaan laga fikiro.
Waxa tusaale dhow ah sida aynu maanta u dhisno magaalooyinka oon xataa
iska daa beer yar oo carruurtu
ku cayaartee waddada laga fikirin
Aniga oo aan maanta u soo gelin khadka faallo dheer waxan kaga baxayaa in
aan masuuliinta boggan u
sheego in aan diyaar u ahay in aan wixii karidayda ah
ka qayb qaadan doono hawlaha qiimaha le ee boggani
u ban baxay.
Ali Adam Awale
London UK
***SomalilandHorta:waad mahadsantahay Mudane Cali ee soo bood oo baaci.
******
Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact
[Webmaster].
Last updated: 11/12/06.