|
Taariikh-nololeedkii Mujaahid Muuse Nadiif Allaale
January 25, 2008
Allaha u naxariistee waxa magaalada Hargeysa ku geeriyooday Arbacadii
16/01/2008, abbaaro 7:30 subaxnimo Mujaahid Muuse Nadiif Allaale. Mujaahidku
waxa uu ka dhashay caasimadiisa Jabuuti, ee dalka Jabuuti sannadkii markuu ahaa
1945-kii, waxaannu ku barbaaray Jabuuti, halkaas ayuuna ka bilaabay malcaamad
Qur’aan (Sheekh Isaxaaq). Markuu dhammeeyey waxa uu u soo wareegay magaalada
Hargeysa sannadku markuu ahaa 1956, waxaannu waxbarashadiisa ka bilaabay
madarasadii Sheekh Baraawe ee Hargeysa, oo uu ka baxaya sannadku markuu ahaa
1959, isaga oo markii dambena u wareegay dalka Masar magaaladiisa Qaahira.
Waxaannu ku soo dhammaystay waxbarashada dugsiga hoose ilaa ka sare, isaga oo ku
soo laabtay magaalada Hargeysa, taariikhdu markay ahayd 1965, haddana waxay u
dirtay dawladdii Soomaaliya ee ee uu madaxda ka ahaa Aadan-cadde Midowgii
Soofiyti (Ruushka) sannadku markuu ahaa 1968, waxaannu soo dhammaystay
jaamacaddii 1972-kii, isaga oo noqday Kornayl sare oo ka tirsan dawladdii
Aadan-cadde iyo Cabdirashiid.
Haddana, waxa uu marlabaad diray Siyaad Barre, waannu soo dhammaystay, waxaannu
soo diyaariyey shahaadada Master, isagoo noqday kornayl buuxa oo ku shaqeeyey
sarkaal sare.
Sannadkii 1982-kii, ayuu go’aan ku gaadhay inuu tallaabo, isla markaana waxa uu
ka mid noqday afartii sarkaal ee ugu horreeyey aasaaskii cududda militari ee
ururkii SNM, halkaas oo Muj. Muuse Nadiif Alleele ku dhammaystay muddadii lagu
gudo jiray halgankii dib-u-xorreynta dalka. Kadibna waxa uu marxuunku caafimaad
u tagay waddanka Canada, isaga oo ku soo noqday dalka Jabuuti oo uu markii dambe
u soo dhaafay magaalada Hargeysa, oo uu ku sugnaa ilaa hadda geeridiisa.
Marxuunku waxa uu ka tagay shan carruur ah oo kala ah; saddex wiil iyo laba
gabdhood, waxaanna u dhashay xaas kaliya.
Hargeysa: SRCO iyo Dood-cilmiyeedka Dhibaatada Qaadka
Hargeysa (Jam)- Dood-cilmiyeed lagu falanqaynayey sidii dhallinta maanta looga
samato-bixin lahaa dhibaatooyinka qaadku ku hayo, ayaa habeenkii Sabtidii lagu
qabtay xarunta Jaamacaddda Caalamiga ee Geeska IHU ee magaalada Hargeysa.
Dooddan oo u soo qabanqaabiyey urruka dhallinyarada ee daraasad ku samayo
dhibaatooyinka dhallinta ku xeeran iyo qorista taariikhda soo jireenka ah ee
Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ka soo qaygalay masuuliyiin isugu jirta
dhakhaatiir, culmo-awdiin iyo dadweyne kala. Waxa ka mid ahaa qodobkii lagu
lafgurayey ka sama bixinta dhallinta dhibaatooyinka uu qaadku ku hayo.
Ugu horreyn waxa halkaa hadal ka soo jeediyey Sheekh Yuusuf Raabbi, waxaannu
sheegay inuu qaadku xaaran yahay, oo uu ku tilmaamay inuu wax u dhimayo caqliga,
sharafta iyo maalka qofka, waxaannu xusay inuu qudbadaha Jimcaha iyo duruuso
kaleba uu dhallinta kaga baraarujiyoo inay ka fogaadaan isticmaalka maandooriya
uu qaadku ku jiro. Waxaannu Sheekhu soo jeediyey in la bilaabo olole lagaga
hortagayo qaadka, si ummadda loo gaadhsiiyo loogana wacyigeliyo dhibaatada uu
bulshada ku hayo qaadku.
Waxa iyaduna halkaa ka hadashay Marwo Faadumo Siciid oo ka socotay hay’adda UNDP,
ayaa ka deyrisay faraha baas ee jaadku ku hayo bulshada Somaliland, marka laga
tago ragga uu aafeeyey dumarka, waxayna sheegtay in raggii gabeen shaqadoodii.
Marwo Faadumo waxayna soo jeedisay in dhallinta loo sameeyo shaqo abuuris si ay
uga waantoobaan cunista jaadka iyo balwadaha kaleba, waxayna uga digtay
isticmaalka balwadaha, ayna ilaaliyaan sharaftooda.
Guddoomiyaha ururka SONYO Maxamed Yuusuf Aw Cali (Culmiyo) ayaa sheegay in
dhaqaalaha jaadka kaga baxa uu aafeeyey mujtamaca reer Somaliland, taas uu ku
tilmaamay in dib-u-dhac u horseedayso horumarka dalka. Waxaanna uu xusay inay
bulshadu noqoto mid fikirta, waxaannu soo jeediyey in la dhiso maskaxda jiilka
barito, si looga samato-bixiyo aafada uu qaadku ku hayo bulshada.
Dr. Axmed Xaashi oo halkaa ka hadlay ayaa soo bandhigay daraasada ka sameeyey
waxyaalada caafimaadka ee jaadku bulshada u gaysto, isaga oo tilmaamay in qaadka
ay ku jiraan maaddooyin waxyeeleeya maskaxda, taranka ragga iyo muuqaalka guud
jidhka qofk, isla markaana u sahlaya inuu qaado cuduro badan oo uu ka mid yahay
HIV/AIDS, waxaannu ku taliyey in laga baraarujiyo in ay ka dheeraadaan
dhibaatooyinka u maandooriyuhu ka mid yahay.
Guddoomiyaha ururka SRCO, Mr. Barkhad-ladiif Muxumed Cumar, ayaa faahfaahin ka
bixiyey ujeeddada loo aasaasay ururkooda oo uu ku tilmaamay in ay tahay sidii uu
dhallinyarada uga wacyigelin lahaa dhibaatooyinka ku xeeran, daraasado,
cilmiyeysan uga samayn lahaayeen, isla markaana u xusuusan lahaa taariikhda
dhaqanka bulshada Somaliland ee soo jireenka ah.
Waxaanay gunnaanadkii laga bixiyey mawduucan isugu soo biyo shubteen inay lama
huraan tahay sidii dhallinyarada dalka looga abuuri lahaa shaqo, loona samayn
lahaa goobo ay ku ciyaaraan, si ay uga dheeraadaan isticmaalka balwaddaha iyo
sidii loo kobcin lahaa garaadka maxkaxeed ee dhallinta maanta dalka, lana
bilaabo wacyigelin iyo baraarujin dheeraad ah.
__
Source: Jamhuuriya
Printer Version
| |
|