|
Dimuqraadiyadeynta Xisbiyada: Soo Saarka Iyo
Magacaabida Murashaxiinta Qaybtii 8aad
December 23, 2007
Sida uu u qoran yahay Xeerka Doorashadda xubnaha Golaha Wakiiladu ayaa sheegaaya
in Musharaxa Golaha Wakiilada toos loo soo doorto; taas oo macnaheedu yahay
musharaxii liiska xisbi ayuu ku soo baxaa, laakiin aan ahayn qaabkii
"Proportional System"-ka ee musharax kasta isaga oo liiskii xisbiga ku jira
taageerayaashaasu ay isaga gaar ahaan ugu codeynayaan, xaqiiqdu sidey tahayse,
inkasta oo musharaxu magac xisbi sito, aan cod-bixiyuhu aanu xisbigga u
codeyneyn ee musharaxa u codeynayo.
Waxaa dhacday, in musharaxa,taageerayaashiisu iyagoo beelnimo ka dhaqaaqaya,
kadibna ay xisbigga u geynayeen magaca murashaxooda. Si liiska xisbigga loogu
daro. Caadi ayey ahayd, maalmihii ololaha Doorashada Golaha Wakiilda, inaad
maqasho akhrido ama daawatid beel heblaayo oo xafladku qabatay, huteel hebel,
ayaa soo saartay hebel hebel oo ah murashaxoodii xisbi hebel. Waxkale mey ahayn,
ee waxaad ku tilmaami kartaa, cawsleh la muuseeyey ama odhaahdii meelmartay, uu
lahaa Aw Xasan Sheekh Cismaan Nuur ee ahay,"dusha ka sumuni hoosta ka sadex
gambo."
Qaabkaa aynu wax usoo saarney ee aynu u magacawnay, waxuu muujinayaa inkasta oo
aynu u guurey ama galay, marxaladdii xisbiyadda tirada badan,in ay beelnimadii
weli innaga laalaado oo aynu ka muruxsan laanahay. Doorasho Baarlamaaniyaha oo
ay beelnimadu aanay aad u saamayn, ama aanay saamaynba, waxaa ugu horeysay tii
1960gii. Wakhtigaa ayey xisbinimadu dadka aad u xushay oo la aaminay. Waxaa la
arki jirrey laba walaalo ah oo laba xisbi kukala jirra ama laba isqaba oo
iyaguna laba xisbi kukala jirra.
Walaalaha iyo qoyska sidaa u qeybsani ee siyaasiyan issaga soo horjeeda, ayaa
wada noolaanshahoodu hadana caadi ahaa. Waxaynu gaadhnay marxalad aynu si
yaableh uga xorowney beelnimadii. Dublamaasi reer Soomaaliland ah oo immika da'
ah ayaanu arrintaa ka sheekaysanay, oo markaan is garab dhignay, beelnimadu
halkey maanta gaadhey iyo berigaa sida aad loogaga xoroobey, ayaa intuu qosley
yidhi, "boqolsano ayeynu dib u dhacnay."
In aynu bulsho beeleysan nahay shaki kuma jirro. Beelnimada waxaa dib innoogu
soo celiyeyna waa sheeko dheer oo aynaan halkan kaga hadli kareynin. Xigmadduse
waxay tahay, in ay suura gal tahay, in aynu fikirka siyaasiga ah ee reeraysan,
ka bixi karo haddii hogaanka siyaasiga ah ee inna hoggaaminayaa, xukuumad iyo
xisbiyaba, uu isagu horta ka xoroobo fikirka caynkaas ah; kadibna dadka uu sidaa
ku hogaamiyo. Xukuumadii, tan immika iyo tii ka horeysayba, reer hebelbay la
shireysaa.
Mas'uuliyiintii xisbiyada hoggaamineysey, reer hebal bay la shirayaan. Qof aan
isaguba ka xoroobin reernimadii dadweyne kama xoreyn karo reernimada.
Kola shirkii Golaha Wasiiradaha ayaan ka qayb galayaa kola shirkii beesha ayaan
ka qeyb gelayaa macnaheedu waxa weeye laba shakhsiyadood ayaan ahay. Kola
shirkii xisbigaan ka qeybgeliyaa kola kii beesha, iyaduna waa laba shakhsiyadood
baan ahay. Siddaa haduu xaalku ku socdo wey adkaaneysaa sidey uga xorownaa
fikirka siyaasiga ah ee beeleysan.
Waxaan qabaa in xeerka doorashada Golaha Wakiilada, dibloogu celiyo, nidaamkii
xisbiyeysnaa. liiska musharaxiinta doorashada ha u kala helaan sidey liiska u
kala horeeyaan. Codbixiye xisbiggu ha u bixiyo sidii ay u dhacday Doorashadii
Dowladda Hoose oo kale. Inkasta oo aan taageersanahay in haweenka iyo beelaha
lahayb sooco, in tirro kuraasiya gaar looga dhiggo hadaana waan soo dhaweeyey
markii Golaha Guurtidu uu gaar ahaan diiday, qaabkuu Golaha Wakiilada ku
tilmaamay toos in loo soo doorto xubnaha Dowlada Hoose. waayo? waxey dib inoogu
celineysaa beel-ku-saleynta xulashada iyo magacaabidda musharaxiinta. Iyada oo
ay adagtahay, xaaladda aynu maanta ku jirno, in aynu nidhaahno, beelnimo majirto,
hadana waxaa innagu waajib ah in aynu qeyb libaax ka siino gudiyada xisbiyadaha,
tuule degmo ilaa gobol, soo saarka iyo xulashada musharaxiinta Golaha
Wakiiladaha iyo kuwa Dowladaha Hooseba.
(Lasoco.......)
Qaraalkii: Axmed Y. Ducaale
Printer Version
| |
|