|
Dimuqraadiyadeynta Xisbiyada:
Soo Saarka iyo magacaabida murashaxiinta:Qaybtii 7aad
December 9, 2007
Soo saarka iyo magacaabida murashaxiinta, xisbiyada uga qeybgalaya D/dwladaha
hoose, ayeynu qoraalkii kan horeeyay, iney xilkaa leeyihiin, gudiyada heer degmo
ee xisbiyadu kali hawsha ku noqon maayaan sideynu hore u tilmaanay, ee
waxgaradka degmada ee xisbiga, kana midyihiin Madax dhaqameedyada, ganacsatada
haweenka iyo madaxda xoola dhaqatada, ayaa hawshaa la leh .
Waaya aragnimada aynu ka helay, soo saarkii iyo magacaabidii, murashaxiintii
xisbiyada, ee Golaha Wakiilada ayaa inagu qasbaysa in aynu arrintaa ku hakano,
inagoo eegayna sideyqaabka xisbinimo, u waafaqsaneyd, ama uga duwaney.
Xisbi kastaa wuxuu raacayaa dastuurkiisa iyo Xeer Hoosaadkiisa, waxa ku qoran,
marka arrintaa soo saarka iyo magacaabida murashaxiinta la galeyo. Isla markaa
waxaa u banaan, siduu xisbiggu dan moodo, in uu yeeli karo, qasabna aanay ahayn
in aan in yarna laga beydhin waxaa Dastuurka iyo Xeer Hoosaadka ku qoran. Waayo?
Xisbi kastaa, duruufo u gaar ah ayuu leeyahay . Waxaase muhiim ah, oo ay
dimuqraadiyadeynta xisbiyadu ina faraysaa, in qaab lagu heshiis yahay, lagu soo
saaro oo lagu magacaabo murashaxiinta G/Wakiilada si ay masuuliyadu xulashada ugu
qaybsanto gudiyada xisbiyada, ee heer degmo, gobol, ilaa qaran gudiyada heer
gobol ee xisbiyada, ayaa aragtideyda gaaban ay tahay, inney qeyb libaax ka
qaataan hawshaa, iyagoo gudiyada degmooyinkuna la shaqeynayaan.
Aan dib ugu
noqonee gobolada 5ta ah, marka gobolka Hargeysa laga reebo, gudiyada heer gobol
iyo heer degmo oo ay weheliyaan waxgaradka xisbiyada ee gobolada iyo degmooyinku,
ayaa soo saaridii iyo magacaabidii murashaxiintii golaha wakiilada , qaybta ugu
weyn lahaa, iyadoo gudiyad heer qaran ee xisbiyaduna aanay ka gacan la'ayn,
caafimaad siyaasi ah oo ay ka muuqato dimiqraadiyadeyn xisbinimo, ayaa hawlgalkaa
ka muuqday. Marka aynu Hargeysa eegno, madaama xaruumihii xisbiyadu ay Hargeysa
ka furan yihiin, oo caasimadii dalka ah, ayey faragelinta hoggaamada sare ee
xisbiyadu aysi xoogan uga muuqatay soo saarka iyo magacaabida, murashaxiinta
Golaha Wakiilada. Layaab sidaa usii badan, yeynaan layaabin, laakiin aynu xusno,
in ay ilaa heer hawshaa xaq u leeyihiin gudiyada xisbiyada ee gobolka iyo
degmooyinka Hargeysa, sidey gudiyada gobolada kaleba ugu madax banaanaayeen ilaa
heer, soo saarka magacaabida murashaxa .
Hoggaanka sare ee xisbiyadu, kali kuma ahayn, soo saarka iyo magacaabidda
murashaxiinta Golaha Wakiilada, ee hoggaan walba waxgaradkiisa oo beelaysan,
iyadoo wax garad kalena uu weheliyo ayaa hawsha la wadaagayey.Wey adkeyd sida ay
runtu ay tahay in fikirka beelnimo hawshaa ka maqnaado . Waayo? Xeerka
Doorashada Golaha Wakiilada ayaa u furay irid aaney cidina ka horjoogsan kareyn.
(la soco.....)
Qaraalkii: Axmed Y. Ducaale
Printer Version
| |
|