NEWS

Dimuqraadiyadeynta Xisbiyada: Soo Saarka Iyo Magaacaabida Murasharaxiinta - Qeybtii 6-aad
December 9, 2007


Xisbi kastaa, sida dhaqanka guud yahay dastuurkiisa ayaa tilmaama cidda iska leh mas'uuliyada, soo saarida iyo magacaabida murashaxiinta, laga bilaabo Dowladaha Hoose lagu xigsiiyo Golaha Wakiilada tan iyo madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xiggeenka. Sidaa iyada oo ay tahay, ayaa loo badanyahay, ama laysku raacsan yahay, in murashaxiinta Dowladaha Hoose oo ah heerka uga hooseeya ee maamul, ay tahay masuuliyada hoggaanka xisbigga ee heer degmo. Sababtu waxa ay tahay, murashaxiinta la soo saarayaa waxay maamulayaan degmadda. Markaa dadka degmadda maamulkeeda loo doonanayo , waa inay gudidi xisbigga ee degmadu soo saartaa. Waayo? gudida degmada ee xisbiggu, madaama ay tahay gudi u dhuun daloosha xubnaha xisbigga, ee hungareynayaa in doorashada loo soo xulo, siday ugu kala haboon yihiin, qabashada xilkaa, ayaa waajibineysa in hawshaa loo daayo, gudidaa xisbiga ee heer degmo.

Xilalka xisbigga loo hayo iyo hogaamintiisa heer tuulo, heer degmo, heer gobol iyo heer qaran waa iney qeexnaataa oo, mid kastana ay cadaataa oo aanay muran ku jirin qaybta hoggaaminta xisbigga uu ku leeyahay soo saarkii iyo magacaabidii musharaxiinta dowlada hoose ayaa tusaalo ahaan maanta taagan . Gudoomiyaha xisbigu ma soo saari karo amna magacaabi karo musharaxiinta degmo heblaayo. Sidaa si leeg, Gudoomiyaha Gobolka ee Xisbiguna hawshaa ma laha. Labaduba waa ineey hawshaa, soo saarka iyo magacaabida musharaxiinta Dowlada Hoose ee dawlada, ay marti uga ahaadaan Gudida Xisbiga ee Degmada hadii gudida degmada, khilaaf ka dhexdhaco; kaas oo ku saabsan soo saarida iyo magaacaabid iyo musharaxiinta Dowlada Hoose G.G/xisbiga ayaa dhexdhaxaadinta hore leh haduu ku guuleysan waayo, hogaanka saree xisbigaa markaas ayuu soo fari gelinkaraa. Xaqiiqaduna waxay tahay, kolba xisbi kasta dastuurkiisu siduu u qoran yahay, markey xaaladahaas oo kale dhacaan, ayaa lagu dhaqmayaa.

Qodobka aan doonayaa in aan hoos ka xariiqo, waxuu yahay, in xil-qaybsiggu, xisbiyada dhexdooda uu inoo noqdo dhaqan; dhaqankaas oo sidey runtu tahay, dimuqraadiyada asaas u ah waxaan isku dayayaa inaan ka digo in hoggaanka saree xisbiyadu uu noqdo, ka markey timaado soo saar iyo magacaabid musharax, uu yahay ka go'aanka keligii leh. Haddii soosaarka iyo magacaabidda musharaxa heer D/hoose heer G/wakiil iyo heer Madaxtooyo ba, hoggaanka sare xisbigu yeesho, guddiga xisbiga ee gobolka iyo ka degmadu, jirida ay jiraan ayaa macna beeleysa.Dimuqraadiyadii xisbigga gudihiisa ayaa tirtirmaysa. Arrinkii wuxuu ku dhamaanayaa hoggaanka sare oo had iyo jeer amar laga suggo.

(La Soco ......)


Qaraalkii: Axmed Y. Ducaale

 


 
Printer Version


 

 


Home |  News |  Literature |  Articles & Opinions |  Archive |  Photo Gallery  | Contact Information 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].