|
|
ARTICLES & OPINIONS
|
|
|
Dimuqraadiyadeynta Xisbiyada: Kenya Tusaale Ma Ka
Dhigan Karnaa? - Qeybtii 3aad
November 21, 2007
Is reebkii murashaxiintii xisbiyada gudahooda, u tartamayay kuwa magaca xisbigga
isku taagaya, wuu dhamaaday. Natiijadiina way soo baxday. Murashaxiintaasi way
is ogyihiin in ay magacyada xisbiyadooda isku taagayaan. Intaa guulaeysatey
maahee intii kale way hadhay. Maalintii is reebkaasi ka dhacaayay xisbiyada
gudahooda, ayaa nin ku hadlayey afka Komishanka Doorashada ee Kenya tibaaxay
inaan mudada codeynta la kordhin karin. Halkaa waxaa ka cad in Komishanka
Doorashada Kenya uu hawlgalkan masuul ka yahay taana tarjamadeedu ay tahay, in
Xeerka Doorashada Baarlamanka Kenya, tilmaamayo qaabka is reebkaasi u dhacayo.
Faa'iidada ku jirta haddaba waa maxay? Waa ta u horeysee, sideynu hore u soo
sheegnay, codeeyihii xisbigga ka tirsanaa ayaa awood loo siinayaa murashaxa uu
doonayo inuu u codeeya rag iyo dumar kuu doono ha ahaadee. Taalabadaa Xisbi
kastaaba, wuxuu raali galiyey, xaqii dimuqraadiga ahaa ee qofkasta oo xisbigga
kamid ahi uu dow u lahaa, uu qof xisbi xubin ka ihi talaabadaa kadib, ma odhan
karo xaqqeygii dimuqraadiga ahaa la ima siin. Cod bixiyaha, musharaxii uu watey
guuleystaa, markey doorashadu timaado musharaxiisii iyo xisbigiisa ayuu
taageerayaa.Cod bixiyaa dhacaa, tartankaa xisbigga gudihiisa, waxaa waajib ku ah
in uu u codeeyo markey doorashadu timaado, musharaxii tartankii xisbigga
gudihiisa guuleystay.
Fa'iidada 2aad waxay tahay, musharaxiintii xisbigga gudihiisa guuleysatey,
rajada ay ka qabaan in ay soo baxaan oo ay helaan doorashada , ayaa sare u
kacaysa waayo, cod bixiyayaashii taageeray, musharaxiintii xisbigga gudihiisa
kasoo bixi weydey ayaa iyaga u codeynaya .Arintu waxay u dhacaysaa,
codbixiyayaashaa soo saari waayey murashaxiintii ay wateen xisbigga gudihiisa,
iyagoo fursad loo siiyay iney soo saaraan, ayaan meel ay kamaraan heleen in ay u
codeeyaan musharaxiintaa xisbiggu soo saaray. Haddey sidaa yeeli waayaan waxaa
ku cadaaneysa, in aanay waxbaba aaminsaneyn .
Waaya aragnimadii aynu k ahelay doorashadii dhawayd ee G/Wakiilada, aynu dib ugu
noqqono. Waxaa dhacday, innaga oo aan hebelo odhan in murashax xisbigiisii
liiskiisa meel ka waayo kadibna uu xisbi kale murashaxnimo kadoonto, markaa
xisbiggaa 2aad musharaxnimadii u ogolaado liiskiisiina uu ku soo baxo,
doorashadii markay dhacdayna uu helo oo uu guuleysto. Xisbiggiisii kaga
bakhaylay innuu liiska xisbigga ku soo baxo miyaanu khasaarin? Illeyn musharaxii
waakan golihii soo galaye. Arrin caynkaas ahi mar iyo laba way dhacday
doorashadii dhaweyd ee Golaha Wakiilada . Sidaas oo kale looga nabadgallo,
xisbinimaduna ay xiddideysato, miyaaney idiinku muuqan ra'yi wanaagsan , in aynu
tijaabadan, qofba siduu u yiraa, in aynu isku dayno diraasaddeeda ?
(Lasoco.....)
Qoraalkii: Ahmed Yusuf Dualeh
Printer Version
| |
|
|