ARTICLES & OPINIONS

Dumuqraadiyadeynta Xisbiyadeynta: Kenya Tusaale Ma Inoo Noqon Kartaa? - Qeybtii 2aad

Talaabadii bilowga ahayd ee ay xisbiyada Kenya tartamayaasha, Xisbi kasta gudihiisa, u tartamaya, siday musharaxa xisbigga u noqon lahaayeen doorashadan barlamaanigee soo socota, waxyaabihii ka dhacay meelaha qaarkood, warbaahinta shalay weynu kala soconay.

Talaaba kasta oo bilow ahi, kacaa-kuf-keeday leedahay kaas oo waayo aragnimo la korodhsanayo ah. Waxa qiimaha lihi, ee dhacda meel ka dhacday oo aan la jecleysanin ama la dhibsadaane wax yeeli karinin waa mabda'a guud ee ah in qofku musharaxa la jecelyahay kursigga xisbigga gudihiisa codkiisa ka siiyo, ama haku guuleysto musharaxnimada ama yaanu ku guuleysan. Waxay ka tarjimaysaa t alaabadani in qofku xisbigga uu ku jiro ee xubinta kayahay wax ka yahay qofka xisbi xubinka ihi waa in aanu ahaanin, qof suga uun amar kor kaga yimaada ka dibna uu fuliyo. Waa in uu ahaadaa qof fakiraya oo jira, waxna dooni kara waxna diidi kara, had iyo jeerna dastuurka xisbigu uu fursad u siinayo ra'yigiisa uu kusoo jeedin karo, doodina had iyo jeer ay u furantahay.

Xisbiyadeenu way da' yaryihiin ineey kobcaana weynu rajeyneynaa, haseyeeshee waxaa lagama maarmaan ah in ay ku dhisnaadaan xaqqa xubnuhu ay u leeyihiin ka qeybgalka hawlaha xisbigga gaar ahaan wixii la xiriira go'aan gaadh (decision making). Go'aan gaadhka ugu muhiimsan ee ay tahay in aynu xubnaha xisbiyadeena fursad u siino, waxaa ugu horeeya in ay iyagu qofka ugaleya xaafadooda golayaasha dowladda hoose, iyagu kala soo dhexbaxaan xubnaha u tartamaya kursigaa, iyo kuwo u tartamaaya golayaasha kaleba. Dimiqraadiyadu waxay ka bilaabantaa sida aynu wada ognahay, qubanaha ama waxaan loo yaqaano Dimuqraadiyada galbeedka (Grass Root's). Xaqaa aynu u deydeyeynaa qofka xisbigga ku jira wuxuu imman karaa, ama qofku heli karaa

1. Qofku markuu fakirka xisbigga aamino
2. Ee uu xisbigga iska diiwaan geliy
3. Kaadhka xubinimada qaato
4. Kadib uu bixiyo ishtiraaga (Qaadhaanka) Joogtada ee xisbigga.

Sheekadii ahayd Ba' xawaadle sidii lagu noqdaa iyo waa laga dhashaa, arrintu ma aha. Shaqsi ahaan, qof ahaan ayaad xubin-ka noqoshada Xisbiga naftaada ugu laasimineysaa, adigoo xilkaa xubinimada qof ahaan dhabarka u ritay.

(Lasoco.....)


Qoraalkii: Axmed Yuusuf Ducaale


 
Printer Version


 

 


Home |  News |  Literature |  Articles & Opinions |  Archive |  Photo Gallery  | Contact Information 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].