|
MILICSIGA DHAXAL-REEB: BUUG XAMBAARSAN TAARIIKHDII HALYEYADA
November 17, 2007
Maalintii uu buugga Dhaxal-reeb gacantayda soo galay, horraantii sannadkan 2007,
waxan akhriskiisa bilaabay goor ku beegnayd 2:30 duhurnimo. Sidii ay xaashiba
xaashida kale iigu dhiibaysay ayaan saq dhexe ku gaadhay; waxanan ku sigtay in
aan ku hurdo seego. Maalmihii xigay ayaan iyaguna iiga duwanayn. Wakhtigaygii oo
dhan waxa la wareegay Dhaxal-reeb marka laga reebo saacadaha aan shaqada ku
maqanahay. Intii aan akhriyayey waxan dareemay shucuur kala duwan oo isugu jiray
farxad iyo qosol, yaab iyo amakaag iyo dabcan naxdin iyo murugo. Waxan xusuus
nahay in ay si gaar ah ii taabteen qormooyinka ka hadlaya Sahra-yarey iyo Eed
hooyo laga galay. Markii aan dhammeystiray akhriska 517-ka bog ee uu buuggu ka
kooban yahay waxan jeclaysanayey in uu intaas ka fara badnaan lahaa. Laga soo
bilaabo wakhtigaas aan akhriyey waxa niyaddayda ku jirtay in aan qoraal ku soo
gudbiyo sidii aan u arkay iyo wixii aan kala kulmay buuggaas, haseyeeshee hadda
ka hor iima ay suurto galin.
Dhaxal-reeb, oo uu qoray Boobe Yuusuf Ducaale, waa buug aan noociisa oo kale
hore loo qorin inta aan ogahay. Waxay sansaan wadaagaan buuggii “Profiles in
Courage” ee uu John F. Kennedy kaga warramayey tariikhda shakhsiyaad Maraykan ah
oo uu ku tilmaamay in ay ahaayeen geesiyaal wakhtigoodii ku dhammeystay dano
guud iyo sidii ay uga midho dhalin lahaayeen wixii ay aaminsanaayeen.
Dhaxal-reeb wuxu si faahfaahsan, qurux badan oo soo-jiidasho leh uga warramayaa
taariikhda 22 halyey oo magac iyo maamuusba leh oo isugu jira halgamaa
naftood-hureyaal ah, hoggaamiyeyaal siyaasadeed, hoggaamiyeyaal dhaqan,
aqoon-yahanno, suugaan-yahanno iyo ganacsato; raggaas oo nin mooyaane intooda
kale aanay maanta dunida inala joogin. Alle ha u wada naxariisto. Wuxu qaadaa
dhigayaa maalmihii iyo marxaladihii ay soo mareen, mushkiladihii ay soo
maareeyeen, mabaadii’dii ay meel mariyeen iyo mahadhooyinkii ay ka tageen. Xool
ilaa xabaal waxba kama tagayo. Waxa xusid mudan in qoraagu uu aqoon dhaw u lahaa
raggaas; taasina ay tahay ta u suurto galisay in uu dhinacyo badan inaga tuso
shakhsiyaddooda.
Dhaxal-reeb waxa kale uu werinayaa qaybo badan oo ka mid ah taariikhdii SNM oo
aad moodo in wax-ka-qoristeeda gacmaha laga wada laabtay. Waa taariikh dayacnayd
oo buug laga qoro iska daaye ay adag tahay in aad aragto maqaal laga qoray.
Waxan is leeyahay qofka buuggan akhriyaa si fiican buu u fahmayaa wixii ay
shalay soo martay umadda reer Somaliland, sababihii ururka SNM loo aasaasay,
duruufihii qallafsanaa ee uu ururku dadka kala soo dabaashay, guulihii uu soo
hooyey iyo waliba ta ugu muhiimsan oo ah abaalka ay SNM ku leedahay ummadda.
Arrimaha uu qoraagu ku dheeraanayo waxa ka mid ah Heshiiskii Itoobiya iyo
Soomaalya ee 1988kii. Wuxu ka sheekaynayaa sidii ay wax u dhacayeen dhinaca SNM
iyo Ethiopia, maalin kasta iyo saacad kasta kulamadii dhinacyada kala duwan ay
goobaha kala duwan ku yeelanayeen. Sidoo kale wuxu si faahfaahsan u qorayaa
ergooyinkii nabadda iyo shirweynihii u dambeeyey ee SNM.
Dhanka kale, waxa buugga qayb ka ah suugaan isugu jirta maansooyin, maahmaaho,
murti iyo masraxiyad uu qoraagu mid kasta halkii ay ku habboonayd ku hubsaday.
Waxa iyaguna xiise gaar ah leh qormooyinka gaagaaban ee cajiibka ah sida
sheekada Damaq iyo Dareen, xusuus-qorka maalmihii raadka kaga tagay qoraaga,
aqoon-korodhsiga ku saabsan: ugaadha, sida ay u dhaqanto, inta ay u kala baxdo,
iyo magac-bixinteeda iyo waliba magacyadii ay Soomaalidu u yaqaaneen maalmaha
todobaadka. Dhacdooyinka, taariikhaha iyo mawduucyada uu Dhaxal-reeb xambaarsan
yahay waxa ka faa’iideysan kara mu’alifiinta ama hal-abuurada. Waxay ka sameyn
karaan filimo, riwaayado, buugaag, sawir-gacmeedyo iyo sheekooyin mala-awaal ah
oo aad loo xiiseeyo.
Umaan bogin oo kaliya dhexdhexaadnimada, kartida iyo xirfadda dhammeyska ah ee
qoraaga, balse waxan aad ugu qushuucay sida uu u ururiyey, u kaydiyey, isla
markaana ugu fara-adaygay taariikhaha muddada intaas leeg soo taxnaa. Runtii waa
tacab dheeraad ah oo aynaan dhaqan u lahaan jirin. Boobe waxan leeyahay Illaahay
ha kaa abaal mariyo’e halkaas ka sii wad. Qorayaasha kalena waxan ku boorinayaa
oo aan ka baryayaa in ay dedaal kaas la mid ah sameeyaan oo ay ubadkooda iyo
ubadka ay sii dhali doonaan uga tagaan waayo-aragnimo, aqoon iyo taariikh qoran.
Haddii aan jiilka cusub lagu barbaarin taariikhda, laga dhaadhicin wixii shalay
jiray, waxaynu halis u nahay in aynu raadkeenii dib u raacno oo aynu mar labaad
marno dariiqii qodxaha badnaa ee ay soo mareen geesiyaasha buuggani xusay iyo
bulshadii barbar taagnayd.
Dhallinyaro iyo waayeel, rag iyo dumar, dhammaanteen waxa inala gudboon in aan
taariikhdeenna gaadh ka hayno si aanay inooga lumin amaba inooga marin-habaabin.
Waxa muhiim ah in aynu mar kasta niyadda ku hayno in sida kaliya ee aynu
qorayaasheenna u dhiiri galin karnaa ay tahay inagoo akhrisana qoraaladooda
buugaagtoodana lacagta u hurna.
__
Source: Hadhwanaag News
Printer Version
| |
|