|
Dimuqraadiyadeynta Xisbiyada: Kenya Tusaale Ma Ka
Dhigan Karnaa?
November 17, 2007
Wakhtiga iyo taariikhdu waa badhtimihii 2003 ama 2004 waxaynu warbaahinta ka
maqlaynaa, daawaneynaa oo aynu ka akhriyeynaa, garoonka kubada, Kasaraani,
Magaalada Neirobi oo ay joogaan 4000 oo xubnood oo katirsan KANU, kana soo
qaybgalay shirweynihii xisbigga ee ay ku dooranayeen Gudiyada Qaran ee
hogaaminaya xisbiga. Shirweynuhu doorashada wuxuu ku aaminay iney u maamulaan
Komishanka Doorashooyinka Kenya. Xisbigu waa mucaarid oo doorashadii u danbeysay
waa laga helay, hadana maamulkii doorashooyinkiisa wuxuu ku aaminay gudidaa sida
rasmiga u maamushay sida Kenya.Waa arin xiiso leh, horena umaan maqal meel ay
Africa ka dhacday. Ama dhacdadani ha ugu horeyso ama tu ku horeysay ha ku xigto,
shaki kuma jiro inay tahay arrin kusoo biirtay waaya aragnimada
dimuqraadiyadeynta xisbiyada.
Dhacdadaa iyada ah mid la qiima ah ayaa shalay ka dhacday Kenya. Tartankii
Doorashooyinka Baarlamaaniga ah, tii degaanka hadaanan khaldaneyn iyo tii
madaxweynaha ayaa ololohoodii ka socdaa Kenya. Xxisbi kasta gudihiisa ayaa hal
kursi oo degmo doorasha ah (Electoral District) ayaa laga yaabaa in ay dhowr
musharax xisbigga gudihiisa ka tartamayaan, si midkood xisbigga magaciisa
doorashada iskugu taago in ay kala hadhaan ama lakala reebo ayaa loo baahday.
Gudidii Fullinta iyo Golihii Dhexe ee heerka qaran, gudiyadii gobalada iyo
kuwii degmooyinku, arrintaa kala reebida xubnaha xisbigga dhexdiisa ka tartamaya
waxay u daayeen xubnaha xisbigu iney kala saaraan. Shalay ayey doorashadaa kala
saaridda tartamayaasha xisbi kasta gudihiisu ka dhacday Kenya. .Degmo kasta oo
doorasho, ama kursi kastoo loo tartamayo, sadexda xisbi gudahooda qofka u tira
badsada ayaa magaca xisbiga isu taagaya doorashadaa. Waa arrin xiiso leh oo sida
runtu ay tahay arrintii soo saarida qofka magaca xisbigga kursi ugu tartamaya
gacanta u gelisey xubnihii xisbigga; taas oo dhab ahaan noqotay dimiqraadiyada
heerkii ugu caafimaadka badnaa. Waxa meesha ka baxay qofj ecleysiggii mar mar
lagu xaman jirey alooska go'aanka ka soo gaadhi jirey xubnaha xisbigga gudihiisa,
kursi keliya wada hungureyn jirey; taas oo mar mar dhacda iney xisbiyada
dhexdooda, kala shaki ku abuurto.
(Lasoco.....)
Qoraalkii: Axmed Yuusuf Ducaale
Printer Version
| |
|