|
Golaha Wakiilada Ayaa Wax Sixi Kara
May 8, 2007
Qoraalkii A.Yuusuf.Ducaale
Waxba inaguma seegana siday u arkeen xisbiyaddu gaar ahaan KULMIYE iyo UCID, labadii go'aan ee Maxkamadda Dastuuriga ah kasoo baxay kuna saabsanaa labadii go'aan ee Golaha Wakiiladu ka gaadheen Komishanka Doorashooyinka. In uu Shirgudoonka Golaha Wakiiladu aqballo labadaa go'aan ee Maxkamada Dastuuriga ah haba saluugsanaadee, iyana waa talaabo sharci u-hoggaansan ah. Sidaa si leeg Kulmiyena waa inuu aqbalo, inkastuu ka biyo diiday go'aanadaa, qaybta isaga khusaysa, oo ah magacaabista xubinta 7-aad.
Kubaddii, garoonka siyaasada lagu dheelayo, hadda waxay joogtaa dhinicii Golaha Wakiilada; taas oo ah ansaxinta xubnaha Komishanka ee hore loo soo magacaabay iyo ka 7-aad ee Kulmiye ku soo daro, Madexweynuhuna Golaha Wakiiladda usoo godbiyey. Xeerar qoran oo aynu ku dhaqanno ayaa jira. Waa xeerarkaa markeynu tilmaameyno aynu nidhaahno xeer Lum.tiradaa iyo tiradaa. Waxa jira dhaqan aan qoreyn, lana awood ah xeerarka qoran ee aynu ku dhaqano.
Qaab dhismeedyada maamulka iyo hay'adeheena Dastuuriga ah ee xukuumadeed,illaa iyo gudiyadda xisbiyada hoggaamiya, waxay ku salaysan yihiin awood wadaag iyo xilqeybsi. Majiro qodob Dastuuriya ama xeer u diidayaa Madaxweynaha in uu Golaha Wasiirada magacowgooda ku koobo hal gobol ama laba. Hoos hadaan usii daadago in uu beel keliya ku koobo qodob Dastuuriya iyo xeer u diidayaa midna majiro. Maxaase dhaqan inoo noqday ee aynu ku dhisnaa hay'adeheena Dastuuriga ah? awood wadaag iyo xil qeybsi.
Komishanka doorashooyinku xayndaabkaa kama bixi karo. Sidii komishankii hore ay shaxdiisu u taalay, kan denbana waa in loo dhigaa. Wax walba halkiisa ayaa loogu tagaa, hadal iyo ilkana cadeyntey ku wanaagsan yihiin. Shaxdii horee Komishanku waxay u taalay qaab qarameysan oo weliba haweenkana tixgelinta ay mudanyihiin siiyey. Dhinaca wanaagsan aynu arrintan iska taagno oo aynu nidhaahno daneeyayaashu (stake holders) Wey wada niyadsan yihiin inagoo muranka sidaa ku hagaajisanayna (For the sake of argument) ee salaadda ayuunbaa meel iska qaban la,sidii lage sheegay ninkii salaada ciida markii ugu horeysay tukadey, ee markuu layaabay Allaahu Akbartii badneyd yidhi, "Waar salaaddu halkey iska qaban la'dahay?. Qofna ma odhan karo hebelna ansixiya hebel diida hadad tihiin xubnihiii Golaha Wakiilada. Si ay xeegana Xeego ku noqoto ilkana u nabadgalaan Golaha Wakiiladu ha isku dayo inuu saxo qaab dhismeedka Komishanka si ay goboladu uga wada muuqdaan Doorashooyinka. Wakhti ma hadhin.
Maxkammada Dastuuriga ahi qadiyadan 2 bilood ku dhawaad ayey heysatay, hadaanay ka badneynba. Qadiyada dhageysigeedii maalin qaatay may ahayn maxkamadu intaa iney haysato. Garsoor dib u dhacay waa garsoor la'aan. Xubnaha Golaha Wakiilada , waxan ku dardaarayaa:
1) In ay Arrinkaa KomishankaDeg Deg u galaan
2) In ay isu dheelitirka xubnaha siiyaan mudnaanta 1-aad iyagoo haweenkana tix gelinaya.
Ilaahow aqoona ha nugu cadaabin eexna ha nagaga tegin.
Printer Version
| |
|