ARTICLES & OPINIONS

Siraha ka Qarsoon Caalamka ee Somaliland iyo Soomaaliya
April 12, 2007


Wargeyska Toronto Star ayuu ku daabacay qoraaga la yidhaahdo Hugh Graham in reer galbeedku xalka ay iminka u raadinayaan Soomaaliya, in iyagu sabab u yihiin kadib markay cagta mariyeen habkoodii dhaqan ee dhinaca qabaa’ilka.

Sida oo kale waxa uu wargeyska ku caddeeyey qoraagu in xataa ka masuul yihiin reer galbeedku kala duwanaanshaha xagga nabdoonaanta ee woqooyiga [Somaliland] Soomaaliya kaga duwan yahay dalkaa intiisa kale, isaga oo sheegay in gumaystihii Ingiriisku uu dadka reer Somaliland xididdada u sii adkeeyey hannaanka qabiilka ee uu sharcigaasi ku maareeyo noloshiisa dhaqan, maamul iyo siyaasadeedba, hase ahaatee uu gumaysigii Talyaanigu ka burburiyey dhammaan tiirarkii xagga maamulka ee ay ku dhaqmayeen qabaa’ilka koonfurta.

Waxa kale oo uu qoraagu ku qoray wargeyskaa, in sida oo kale uu Maraykanku raacay dhabbihii Talyaaniga markuu xoogga ku galay Soomaaliya 1992-kii, taas oo natiijadiisiina noqotay inuu ku fashilmo ujeeddadii uu ka lahaa Soomaaliya.

Qoraagu waxa kale oo tilmaan cad ka bixiyey inaan loo fahmin in taageerada Hawiye siiyaan Maxaakiimta aan loo qaadan in beesha Hawiye oo dhammi yihiin argagixiso, haseyeeshee la fahmaa in beesha Hawiye ka cabsi qabto, wax kaslooni ahna ku qabin xukunka dawladda Mbeghati ee uu Madaxweynaha ka yahay Cabdillaahi Yuusuf oo ka soo jeeda qabaa’ilka Daarood, sidaa darteed waxa uu ka digay in loo macneeyo taageeradooda Maxaakiimta, in dhammaantood ay yihiin muslimiinta mayalka adag.

Tusaale wanaagsan waxa uu u soo qaatay Somaliland oo ah dal xasillooni ka jirto sida uu wax ugu taray nidaamka maamul ee hannaanka qabaa’ilka ee u dhisnaa, kaas oo uu tilmaamay in uu yahay dariiqa dib-u-heshiisiinta dhabta ah ee Soomaalida, isaga oo Graham soo jeediyey in dariiqaa dib-u-heshiisiinta ee Somaliland ee Somaliland ay maraan Soomaaliya inteeda kale. Waxa uu tusaale u soo qaatay sidii Guurtida Somaliland u maareeyeen dagaalladii iyo khilaafyadii jiray sannadkii 1993-kii.

Wargeyska The Economist ayaa isna sida oo kale sheegay in beesha Hawiye oo lagu qanciyo wadahadal ay door weyn ku leeyihiin dib-u-soo-celinta nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, “Waayo, waxa ay taasi keenaysaa in duqayda Hawiye ka guraan qoryaha wiilashooda, isla markaana iska qabtaan kuwa seef-la-boodyada lagu tilmaamo ee qaata magacyada Islaamka.”

Isla arrimahan waxa kale oo isna wax ka qoray wargeyska Nation ee ka soo baxa dalka Kenya oo sheegay in ay ahayd fikrad fiican in Soomaaliya la geeyo ciidamo Afrikaan ah oo nabad-ilaalin ah, si ay u beddelaan ciidammada Itoobiya, “Haseyeeshee, Soomaalidu sidaa uma arkayaan ee waxa ay ugu muuqataa oo qudha tallaabo lagu doonayo in lugu loogu sameeyo dawladda bilaa lugaha ah, si ay markaa u socon karto, sidaa awgeed waxa loo baahan yahay in dib ay wax u eegaan arrimahan bulshada caalamku, haddii kale madaafiicdu way ka sii socon doonaan Muqdisho, isla markaana ayna waxba ka tari doonin ciidamo kasta oo loo diro gobolkaas.”

Arrimahaa kuwa la mid ah waxa isna wax ka qoray wargeyska The Guardian, waxana ku daabacay Simon Tisdall oo wax ka qoray shirka dib-u-heshiisiinta ee Cabdillaahi Yuusuf ku dhawaaqay in uu qabsoomo 16-ka bishan April, balse hadda dib loo dhigay, waxaannu sheegay in marka hore loo baahan yahay in uu Cabdillaahi Yuusuf xilka wareejiyo, isla markaana ugu baaqay bulshada caalamka si looga baaqsado dhibaatooyin hor leh oo cusub in ay ku cadaadiyaan qabashada shir ka madaxbannaan awoodda xukuumaddiisa. Waxa uu ka digay qoraagu in aanu fowdo cusub mooyee wax midho ah dhali doonin shir dib-u-heshiin qaran ah oo uu maamulkiisu gacanta ugu jiro Cabdillaahi Yuusuf. Waxa uu ku soo xidhay qoraalkiisa; “Yaxyaxa qarsoon ee dunida ee bilaa dhammaadka ah.”


__

Source: Jamhuuriya
 
Printer Version


 

 


Home |  News |  Literature |  Articles & Opinions |  Archive |  Photo Gallery  | Contact Information 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].