NEWS

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Eray Meesha Ku jira:
Ahmed  Y. Dualeh
 
Waxay ahayd mar horeba, haddeynu nahay Reer  Somaliland, in aynu middeyno dadaalka aynu ugu jiro aqoonsiga Somaliland. Soo jeedinta ay soo jeedisay Gudidii Qabanqaabada Banaanbaxyada lagu taageerayo gooni-isu-taagga iyo aqoonsiga Somaliland, soo jeedintaas oo ah in la sameeyo guddi heer qaran ah oo ka hawl gasha aqoonsiga Somaliland, waa eray meesha ku jira . Sida Ingiriisku yidhaa"It is never too late". Sideedaba  ciyaarina waa gelin danbe.
 
Hawl maalmeedka dalka, gudaha iyo dibadaba, xukuumadda ayaa u xil saaran. Laguma qordin karo. Haddii ay gudidaasi sameysanto hawl qabadkeedu waa in uu noqdaa ku ay xukuumada isla meel dhigeen. Fulinta hawl qabadkaasina waa in uu ahaadaa ku wadajir loo hirgelinayo. Waxaan ka digayaa in aan xukuumaduna u arag gudidaasoo kale iney soo gelayso xayndaabkii dastuurigga ahaa ee hawl qabadka xukuumadda. Isla markaa gudidaasina waa iney ku dadaashaa in aanay isu arag mid hawlqabadkii dastuuriga ahaa ee xukuumadda qayb laga siiyey. Arrinku ha ku koobmo soo jeedin iyo tala bixin labada dhinacba ka timaada, taasoo dood laga wadaago heshiiskii laga gaarana qaabka loo fulinayo laysla meel dhigo.
 
Gudidaa heerka qarana kana koobnaan doonta 3-da xisbi, urrurada rayidka ah iyo dadkii reer Somaliland ee khibradda u lahaa xidhiidhka caalamiga ah (INTERNATIONAL RELATIONS) sida Diplomaasiyiintii Somaliland ee hore. Guddi xukuumi ah oo  aad u kooban ay hogaamineysana Wasaarada Arrimaha Dibbadu  ha noqoto ta Guddida qaran ay wada shaqeynayaan, ama gudidaa xukuumiga ahi ha ka mid noqdo gudida qaran qudheeda. Hawshaas oo kale iyo habdhaqanka dadka hawshaa  wadaa ma noqon karo wada shaqayntoodu"Adverserial" mid sutida laysu hayo idhiyaa. Dabeecada hawshaasi waa in ay noqotaa had iyo jeer coddeyn taladeeda tu aan lagu gaarin laakiinse uu consensus (Heshiis guud la adeegsado. Waxa laga yaabaa ama runtii loo baahnaan doonaa xeer hoosaad kooban oo lagu wada shaqeeyo. Gabagabeyn, Waxaan marlabaad ka digayaa in aaney ka muuqan gudidaa qaran sansaan sinaba laga garan karo inay fara gelineyso hawlmaalmeedka xukuumadda. Waxaan xukuumaddana  kula talinayaa haddii gudidaa qaran ay saameysanto iney u  aragto gudidaasi tu ka kaalmeyneysa, hawl qabadkeeda  ku wajahan aqoonsiga;  iyadoo u mareysa gudidu kaalmeyntay Xukuumadda kaalmeyneyso talo bixin iyo wixii laysla garto oo lagu heshiiyo qaabka loo hirgelinayo. Waxaan rajeynayaa in aan qoraalkan kooban ku soo gudbiyey fikrad-taageerada la darsi karo.

____


Ahmed Y. Dualeh
January 22, 2007


 

 


Home |  News |  Literature |  Articles & Opinions |  Archive |  Photo Gallery  | Contact Information 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].