|
|
| |
Xusuus Iyo
25 Sano Oo Ka Soo Wareegay Geeridii Marxuun Muuse Galaal:
Q: Axmed Yuusuf Ducaale
January 1, 2007
Waxaa sharaf ii ah in uu sheekhayga suugaantu ahaa marxuum Muuse Galaal. Wuxuu Eebeheen igu ilhaamiyay in aan qoraalkan ku xuso anigoo isla markaana xasuusanaya, kuwa badan oo jeclaana xasuusinaya, inay geeridii marxuum Muuse Galaal, maanta oo 25 sano ka soo wareegtay (January 2007). Raali hayga ahaado qoyskiisi, qaraabadiisii dhaweyd iyo intii hawl qabadkiisii dhaqan-aqooneed (cultural) jecleydba hadaan nabar bogsadey xadanteeyay. Waa iga kalgacal iyo qaddarin.
Nin muuqiisa kaweynaa oo xaq igu yeeshay sida, sheekh kastaaba muriidkiisa xaq ugu leeyahay in aan xuso, xusuusto oo intii taagteydu tahay aan muujiyo dadaalkiisii iyo naftii-hur-nimadiisii uu ugu deeqay ururinta iyo keydinta dhaqan-aqoonta Soomaalida; isaga oo soohdin gobol iyo tu reernimaba ka gudbey. Sida runtu tahay qoraalkani ma aha dirraasad cilmiyeysan oo aan marxuumka ka diyaariyey; xusuuso dareenkeyga saameeyay oo aan jecleystay in aan usoo gudbiyo akhristaha ujeedada oo ah qofkii adeeg qiimo leh ummadan ugu deeqay in wuxuu mudan yahay la mariyo oo aynaan noqon sidii ninkii gabyay ee yidhi,"Meytideed amaanteynunahay laba ayaa mood eh - Dabeetana ilow baa xiggi iyo yuu ahaa hebele."
Muxuu marxuumku Somaali u qabtay ee uu ku muteystay in la xasuusto? Wax kasta oo la xidhiidha dhaqanka aqooneed ee Somaalida ayuu ururshey uu keydiyey qoraal iyo duubisba. Gabay ama geeraar aad weydiiso qofkii tiriyey oo aanu kuu sheegini qofkii tiriyey dhifbuu ahaa. Buraanbur iyo hees hawleed oo ay soo geleyaan geela ilaa doonyaha oo aanu qorini ama duubin aad bay u yaraayeen. Maahmaah na kudar iyo maahmaah waliba sheekadey ku timi. Muuse Alla haw naxariistee xiddigiyo ayuu ahaa cilmu-falaga Soomaalidu siday u adeegsato yaqaana oo baaxuur ku noqday. Wax badan buu anagoo qayilayna habeenimo intuu dibadda noo saaray xiddigaha noo akhriyey sidii oo ay sammadu kitaab furan tahay.Wuxuu warqad ka diyaariyey (Paper) dhirta ay soomaalidu isku daweyso, ama cudur ama nabar. Magacyada bilaha Soomaalida sidda dagaan walba looga yaqaano iyo xiliyada roobka ayuu iyagana diiwaan geliyey. Clmiga loo yaqqaan" Cil-ul-ansaab" oo ah abtiirsiimadda Soomaalida ayuu ku ahaa khabiir aan qofna waxba u reebin. Qorrida afka Soomaaliyeed ayuu dhamaadkii afartanaadkii qarnigii labaatanaad qoray ilaa 1972 ayuu halgan aan kala go' lahayn ugu jiray .Wakhtiyada nolashiisa ugu farxadda badnaa sidaan afkiisa ka hayo Alla haw naxariistee waxay ahaayeen, maalmihii la go'aamiyey in Af-Soomaaligga la qoro. Taariikhda Soomaalida Marxuumku aqoon qota dheer ayuu u lahaa, taas oo xukuumadda Soomaaliyeed u magacawday in Muuse Soomaaliya wakiil uga noqdo gudidii UNESCO u saartay dib u qoridda taariikhda Africa. Aqoonsiintaa baahsan ee aynu odhan karno waxay ahayd Ensyclopedec wuxuu ku darsaday in uu ahaa qoraa iyo gabayaaba. Howl-qoraalo aad ah oo uu la wadaagay Andrejewskina wuu lahaa, sheeko dheer (Novel) oo aan la daabicina ogaalkey wuu lahaa , maadaduu ururiyeyna waxay marjac u noqon kartaa tobanaan buug. Waraaqaha cilmiga ah ( Scientific Papers) uu qoray ee uu ka tageyna aad bey u tira badan yihiin. Intaa waxa raaca maqaalo badan oo uu qoray oo la xidhiidha aqoon dhaqameedka Soomaalida .Waxaa isku dayey inuu tusmeeyo (Indexing) saxardiid oo marxuumku abti u ahaa sanadihii u dambeeyay nolosha marxuunkana xooghaye oo kale u ahaa .Sanadka uu Muuse geeriyooday, Alla haw naxariistee, wuxuu barnaamijkiisu ahaa in uu fasax sanad ah qaato oo bilaa mushahara, dego London, iskuna dayo bal in uu buug ama in ka badan daabici karo ama uu daabacaad u diyaar gareyn karo.
Waxaan kusoo gaba gabeynayaa qoraalkeygan soo jeedin aan is leeyahay haday hirgasho Muuse Galaal abaalkuu inagu lahaa waynu gudnay; soo jeedintu waxay tahay in la abuuro Accademyada Muuse Galaal oo Afka Suugaanta, Funka iyo Cilmigga (Science) ee S/Land, taas oo laga dhiso magaalada Burco, mashruucana ay hooyo u noqoto Jaamacada Burco. Taas macnaheedu ma aha Burco ama Togdheer fulinta mashruuca ha loo daayo. Hawl qaran in ay noqoto hawshaasi ayey ani ila tahay; hawshaasoo aan qabo in ay muddo aan gaabnayn qaadanayso laakiin sida Shiinuhu ku maahmaaho safarka kunka mayl ahi talaabuu ku bilaabmaa .
Xusuustayda ayaan adeegsadey markaan maqaalkan qoraayey, marjac qoran ama duuban oo aan miciinsadeyna majirin, hadii khalad lagu arko maqaalka ha lay saxo. Ujeedada qoraalkuse koleyba waxa weeyaan in Muuse Galaal meesha uu muteystay intaynu aqoonsano aynu dhigno. Naxariistii janno Allah-ha-siiyo, inagana ha inooga daba naxariisto.
Axmed Yusuf Ducaale
Toronto, Canada
******
Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact
[Webmaster].
Last updated: 11/12/06.